Hay’ad maxali ah oo lugu magacaabo Saado ayaa 2000(laba kun) Neef  oo ari ah uqaybisay dadka ay xoolahoodu abaartu kalaysay ee ku dhaqan dagmada Balanbal ee gobalka galkaduud  iyo deegaanada Ku xeeran .

Dadka xoolaha loo qaybiyey oo laga soo kala xulay deegaanada iyo tuulooyinka hoos yimaada dagmada Balanbal ee gobalka Galgaduud ayaa  tira doodu gaaraysay 150 qays .

Gudoomiye ku xigeenka degmada Bbalanbal ee gobalka Galgaduud ee maamulka ahlusuna waljamaaca Maxamed Maxamud Cabdi ayaa SBC usheegay in dadka xoolaha loo qaybiyey laku soo xulayey sida ay u kala liitaan iyadoo uu maamul kooduna  gacan wayn kagaystay sooxuluda dadkaasi  .

Hay’ada Saado ayaa noqonaysa markii labaad ee ay dadka abaartu kalaysay xoolahoodii ay xoolo ugu qaybiso gudaha dagmada Balanbal ee gobalka galgaduud , iyadoo ay sheegeen  masuulinta hayadaas in ay ku dadaalayaan  siidii loo bad baadinlahaa dadka xoolahoodu ay abaartu kaga baa ba’een ee ku dhaqan  deeganada ku hareeraysan gobalka Galgaduud   .

Dagmada Balanbal ee gobalka Galgaduud ayaa ka mid ah  dagmooyinka ay ku dhaqan yihiin dad barakacyaal ah oo in tooda badan ku cayroobay abaarihii soomaray dalka .

SBC International Galgaduud