Hay’ada Life lLine Africa ayaa tababar u soo gabagabaysay dhalinyaro ay muddo lix bilood ah u tababaraysay  sidii  ay u heli lahayeen xirfado gaar ah oo ay ku shaqaystaan iyadoo la kaashanaysa Hay’ada EDC oo ahayd hay’ada maal galinaysay mashruucaani oo lagu magacaabo shaqo doon.

Xaflad si heer  sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotel New rasy ee magaalada Garoowe ayna ka soo qayb galeen madax ka kala socotay dowlada Puntyland, Hay’ada EDC iyo maamulka iyo Macallinmiinta oo aheyd in shahaadooyin iyo qalab loogu tala galay ardeyda qaar lagu guddoonsiiyo ka dib markii ay dhamasyteen waxbarasho ay  soo  wadeen muddo lix bilood ah.

Ugu horaytiiba  waxaa xafladaasi ka hadlay maamulaha life line  Africa  Cali Maxamed Nuur oo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin in intaan oo  dhallin yaro ah ay maanta u soo gabagabeeyaan tababar Leeyihiina xirfado ay maanta ku shaqaysan karaan ugana faa’iidayn karaan  bulshada qaybaheeda kala  gadisan.

Cali ayaa sheegay in ujeedka xafladaani ay tahay xiritaan tababar,  bixin shahaadooyin iyo Qalab la siinayo ardayda qaarkood oo uu sheeagay ianay galeen kaalimaha  hore imtixaaanaadkii laga qaaday.

Cali Maxamed  ayaa sheegay in ujeedka ay ka lahaayeen tababarkaani ay ahayd in marka uu dhammaysto ardaygu lixdaasi bilood uu helo xirfad wanaagsan oo uu ku shaqaysan karo iyo in si toos ah loogu Xiro suuqa shaqada lalana raadiyo shaqooyin isagoona intaasi ku daray in  aradaydii dhammaysatay tababarkaani ay shaqooyin heleen 120 ka mid ahi ku waasi oo uu sheegay inay ka shaqeeyaan Wasaaradaha ,Hay’adaha iyo Ururadaba ayna aad u dhiiri galinayso arrintaani maamulaha life line  africa ayaa sheegay in markii ay bilaabayeen  tababarkaani iyo  maanta uu  u dhaxeeyo farqi wayn ayna ku Adkayd markii hore bilowga arrintaani  balse ay maanta u fududahay ayna ka heleenkhibrado badan.

Sharmaake Maxmud Jaamac waxaa uu ka mid ayahay  ardaydii  dhamaysatay tabarbarkaani soconayay muddada lixda bilood  ah waxaana uu sheegay isagoo ku hadlayaya magaca aradaydii Qalinjabinaysay in uu aad ugu  faraxsanayahay dhammaystirka tababarkaani uuna mahad u  celinayo cid kasto oo gacan ka gaysatay sharmaake ayaa sheegay in isaga khaas ahaan uu bartay maadada  Computerka uuna  wax wayn  ka  faa’iiday kuna shaqaysan karo yaqaanana isticmaalka iyo cilad bixinta computerada taasina ay tahay wax uumaanta ku faani karo ,ayna ka barteen waxyaabo u muhiim ah Nolashooda iyo tan bulshadoodaba.

Liibaan Jaamac Ciro waa mas’uul ka socday hay’ada EDC oo ahayd hay’adii ka qay qaadanaysay fulinta mashruuca shaqadoon oo ah mid shaqo loogu abuuryo dhallinta si toos ahna loogu xirayo suuqa Shaqada ,liibaan ayaa sheeagay in u jeedada laga lahaa mashruucaani uu ahaa sidii dhallinyarada loogu samayn lahaa xirfado ay ku shaqaystaan laysugana xiri lahaa shaqo raadiyihii iyo shaqo bixiyihii Taasna ay mas’uuliyad wayn iska saareen kuna guulaysteen in badan .

Liibaan ayaa  kula daradaarmay dhallinyarada inay sii wataan aqoontoodo waxa ay haatan barteena uga faa’iideeyaan naftooda,qoysaskooda iyo bulsho  waynta kalaba .

Ugu danbayntii waxaa si rasmi ah u soo xiray xafaldaasi wasiir  ku xigeenka waxaasarada waxbarashad aee dowlada puntland maxamed maxamud idiris oo sheegay in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo Ka qayb qaadanaysa horrumarinta waxbarashada sidoo kala ay soo dhawaynayaanmashruucaanay isla  wadaan EDC iyo Life Line Africa wasiir ku xigeena yaa intaasi kadib bilaabay qaybibta Shahaadooyinka iyo abaal marinada kale e uu iskuulku ugu tala galay  ardayda.

Muddooyinkii ugu danbaysay waxa ay waday Hay’ada EDC mashruuc ay lagu magcaabo Shaqo doon oo dhallinta shaqo loogu samaynayo iyadoona lakaashanaysa ururada maxaliga ah  ,arrintaani ayaa ka Qayb qaadanaysa  horrumarinta waxbarashda guud ahaanba.
Sawiro

Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf yare}
SBC International Garoowe