Ha’yada IOM qaybteeda Caafimaadka ayaa maanta Magaalada Garowe ka furtay Barnaamij Balaaran oo sahan ah laguna xog Ururinayo xirirka ka dhaxayn kara Burcad Badeeda  iyo Cudurka HIV/AIDS  si  loo helo Xog ka turjumaysa Xirirka labadaba iyo samaynta ay burcad badeedu ay ku ledahay  caafimadka bulshada ay ku dhex nool yihiin

Waxaana kulankaani ka soo qayb galay inta badan Ha’yadaha  Maxaliga ah oo ka shaqeeya Wacyi Galinta iyo Xakamaynta  Cudurka HIV /AIDS  iyo sidoo kale Sarkaashiiha Xog Ururinta Gobolada Ha’yadda PAC  uu ka hirgalayo sahankani

Madaxa Caafimaadka Ha’yada IOM Xuseen  Yonis  Xasan  oo hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Barnaamijkaani uu noqonayo mid kii ugu horeeyay oo xog looga Ururinayo Xirirka ka dhaxayn kara Burcad Badeeda iyo Cudurka HIV/AIDSka uuna muhiimad gaaraleeyahay maadaama ay tahay markii ugu horaysay ee puntland laga hirgaliyo sahanka noocaan ah si loo ogaado saamaynta burcadbadeeda iyo cudurku kuleeyihiin deegaanada ay buracadu jogaan ee puntland ka tirsan

Agaasimaha Ha’yada u qaabilsan Puntland ka hortaga iyo Xakamynta Cururka HIV/AIDSka Dr C/raxmaan Sicid Maxamud ‘Dhagawayne’ ayaa soo dhaweyay Barnaamijkaani xog ururinta ah isla markaansa Burcad Badedu ay dhibaato ku hayso Aduunka oo dhan  isla markaana loo bahan yahay in loo fuliyo sidii loogu talagay  waxaana uu dr dhagawayne intaa ku daray in ay san ogaalaanayn wax ka baxsan dhaqanka islaamaka iyo kan soomalida  isagoo u digay shaqaalaha fulinaya sahankan In ay la xisaabtamidoonaan hadii aysan ushaqayn sidii loogu talagalay

Waxaana Barnaamijkaan sahan uu ka fulaya  Gobolada  sided Degmo oo ka tirsan Puntland oo ha’yadu ay sheegtay in uu ka fulayo Gobolada Bari Karkar, Nugaal iyo Mudug

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe