Hay’adda ICRC ayaa gargaar garsiiyay qaybo kamid ah dagmooyin katirsan gobolka Gedo  ,

Goobo ay ku sugan yihiin dadkii ugu badnaa oo ka soo cararay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah gobolada Bay iyo Bakool ayaa ay Gargaar Gaarsiisay Hay’ada ICRC g, waxaana Gargaarkaasi ka mid ahaa, Bariis, Digir iyo Saliid waxaana lagaar siiyay dadkii loogu tala galay.

ICRC ayaa kal hore waxa ay cunno qeybin kasameesay gudaha deegaano kamid ah Gobolka Gedo waxaana Tani ay noqonaysaa hawshii ugu balaarnayd oo ay dhawaan ICRC qabato.

Hawshan gar gaar qaybinta ah waxaa fududeeyay qaar kamid ah shaqaalaha hay`ada Bishacas waxaana ay tagayeen goobaha gar gaarka laga aqybinayey.

In kabadan 10.000 oo qoys ayaa gar gaarkani kafaa`iidaysatay waxaana dadkii gar gaarkani kafaa`iidaystay ay si isku mid ah usoo dhaweeyeen hawsha ay hay`adu qabatay

Dhanka kale waxaa jiro deegaano hoosyimaada dagmada Baardheere oo ay hay`adu gar gaar gaarsiisay waxaana deegaanadasi kamid ah Faafax dhuun, Takar, Siidimo, Balan baal . celcilaan iyo deegaano kale oo aad ufara badan.

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horaysay oo ay ICRC hawl noocan oo kale ah kafuliso gudaha gobolka gedo .

C/Khadar Maxamed Siraad
SBC International Baardheere.
saacid02@hotmail.com