Kulan oo ahaa mid balaaran isla markaana lagu saagotinayey hay’ada horumarinta waxbarashada ee magaceeda marka lasoo gaabsho loo yaqaan EDC oo uu dhamaaday mashruucii dhanka waxbarashada ee ay ka waday punland iyo guud ahaanba somaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka socotay dowlada bulshada qaybaheeda ururada dhanka waxbarashada kala shaqayn jiray EDC

Khadra bashiir oo ka mid ah saraakiisha hay’ada EDC ayaa sharaxaysa wixii ay qabteen mudadii ay jirtay hayadoodu iyo waxa ay dalka uga tageen waxaana ay sheegtay in ay mudo badan wadeen barnaamijka macalinka raadyaha ee loo yaqaano irib iyo mashruuc kale oo ay mudooyinka wadeen oo la yiraahdo shaqo doon oo dhalinyarada xirfado ay ku shaqaystaan loogu samaynayey

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Punland Maxmud Maxmed Idiris ayaa ku tilmaamay EDC sxb wanaagsan oo ay la hayd wasaarada waxbarashada isagoo ka makhraanti kacay in ay kaawisay tababarada macaliimiinta iyo dugsiyo ay  dhistay waxaana uu intaa ku daray in uu filayo in ay soo laabato EDC oo sheegay in ay saaxiib dhaw la ahayd wasaaradiisa

Wasiirka wasaarada warfaafinta hida iyo dhaqanka punland axmed cali askar ayaa dhankiis qiray in waxbarashadu ay muhiimtahay isla makaana waxbadan oo dhanka waxbarashada la xiriira laga faaiday hayada horumarinta waxbarashada oo maanta soo afmeertay  mashaariicdii ay ka waday Punland

Hay’ada hor u marinta waxbarashad ee EDC oo tan iyo sanadkii 2006 ka howlgalaysay puntland waxay fulisya dhowar barnaamij oo ay ka midyihiin irib ee waxbarshada asaasiga ah iyo barnaamijka shaqadoon oo ay dhalinyarada tababar ku siinayeeen xirfado kala duwan oo ay ku shaqaystaan si aysan dhalinayarada ugu jihaysan tahriib iyo burcadbadeed iyagoona soo saaray dhalinyaro badan oo ku shaqaysta xirfadihii ay barteen