Waxaa  maanta ka furmay hoolka  shirarka ee hay’ada PDRC tababar soconaya  muddo hal maalin ah ayna soo Qabanqaabisay hay’ada daryeel Bulsho oo Gacankahelaysa  hay’ada qaramda midoobay u qaabailsan xanaanada Carruurta ee UNICEF tababarkaani ayaa loogaga hadlayay sidii loo soo uruurin lahaa xog dhab ah Oo ku saabasan Inta carruur  agaaon iyo darbi jiif ah ee ku sugan deegaanada puntland iyada oo la isticmaalayo xog uruurino kala Gadisan loona tago qays walba oo haya Agoon .

Ugu horaynba waxaa kahadlay c/shakuur maxamuud guray oo ah agaasimaha ahay’ada daryeel bulso oo kahadlaya Shirkaani iyo waxyaabihii hay’ada loo asaasay isagoona Xusay in hay’adaan loo asaasay xanaanayta iyo daryeelida dadka danyarta ah sida ,dadka naafada ah,carruurta agoonta ah,iyo waliba ku darbi jiifka ahba agaasimaha Hay’adaasi  Ayaa sidoo kale sheegay inayiskudayayaaninayuruuriyaan carruurta agoomaha iyo walibaku darbijiifkaahee kudhaqan Guud ahaanba deegaanada puntland.

Waxaa isna ka hadlay furitaankii tababarkaani  kamaal liibaan oo kamid ah shaqaalaha hay’ada UNICEF oo la Dardaarmaya dhallintaani maanta tababarku ufurmay loona Soo xulay inay soo qiimaeeyaan dhibanayaasha ku dhaqan Guud ahaanba deegaanada puntland isagoona xusay in looga baahanyahay xog dhab ah oo aysan ku jirin kabadbadin si ay uguxisaabtamaan dhammaanba hay’adaha ka shaqeeya arrimahaan.

Marka qof agoon ah ama darbijiif ah lawaydiinayo su’aalaha qaarkood waa ianaysan noqon kuwa kiciya dareenka Dhibbanahaasi  waxaa sidaasi tiri caasho cali oo ah Aqoonyahanad ku taqaqustay cilmunafsiga waxayna wax badan Uga Sheekaysay dadkii ka soo qayb galay tababarkaani inay iska ilaaliyaan waxyaabaha keeni kara in ilmuhu galo Xasuus Taasi oo sababi karta inuu waxyaabo badan is waydiiyo “marka aad carruurta waydiinaysaan su’aalaha qaar Kood waa in aad is waydiisaaansaamaynta aykuyeelan karto ilmaha yar tusaale ahaanmarka aad leedahay aabahaa Madhintay ookale”ayay tiri caasho cali oo ka tirsan hay’ada paswa.

Tababarkaani ayaa waxaa ka soo qayb galay ku dhawaad 30 dhalinyaro ah oo isugujira rag iyo dumarba oo horay Looga soo qaaday imtixaano ku aadan arrimahaani Waxaana laguwada in loo kala diro gobalada kala gadisan ee Puntland , hay’ada daryeel bulsho ayaa ah hay’ad u dhaqdhaqaaqda agoomaha iyo waliba darbi jiifyada Iyadoona la Asaasay sanadii 2009ka.

DAAWO SAWIRADA

Yuusuf Maxamed Maxamud (Yusuf yare)
SBC International- Garoowe