Hay’adda CORD ayaa shalay magaalada Gaalkacyo waxay keentay wafdi dhakhaatiir ah oo ka socda ururka Arab Mediacal Union, waxayna dhakhaatiirtu tababar muddo saddex bari ah siin doonan hawl wadeenada isbitaalka guud ee Gobolka Mudug waxaana ay u tababari doonaan qalab isbitaalka ay horey u siiyeen.

Dhakhaatiirta ayaa waxay bixinayaan tababar muddo saddex maalmood ah
waxayna barayaan shaqaalaha isbitaalka qaabka ay u isticmaali doonaan qalab
casri ah oo isbitaalka loogu deeqay.

Munaasabad kooban oo hoolka isbitaalka lagu qabtay ayaa waxaa kasoo qayb
galay maamulka isbitaalka wafdiga dhakhaatiirta maamulka degmada Gaalkacyo maamulka Gobolka Muddug & Wasiir xigeenka Duulista hawada iyo garoomada Puntland.

Agaasimaha isbitaalka guud ee Gobolka Mudug Maxamed Xuseen Aadan ayaa waxaa u mahad celiyay dhakhaatiirta waxaana uu sheegey in isbitaalka uu wax badan ka faa’iidi doono tababarkaan.

Ra’fad Sacad oo ah madaxa dhakhaatiirtan ayaa waxaa uu sheegay inuu wax
badan ka qaban doono magaalada Gaalkacyo ururkooda iyagoo isbitaal ka
dhisay Muqdisho dhowaana Gaalkacyo ka qaban doona.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax ayaa waxaa uu ka
sheekeyay xiriirka Soomaaliya & Masar wuxuuna sheegey in shaqaalaha
isbitaalka loo faa’ideeyo ay wax u tarayso shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa waxaa uu sheegay in tababarka shaqaalaha uu wax badan ka badali doono marxalada caafimaadka ee Gobolka Mudug.

Wasiir xigeenka duulista hawada iyo garoomada Puntland Mudane Bashiir
Maxamed jamac ayaa waxaa uu yiri wixii ka dabeyay magacaabista agaasimaha isbadal weyn baa ka jira guud ahaan caafimaadka gobolka Mudug.

Dhakhaatiirta ayaa waxaa ay muddo saddex maalmood ah bixinayaan casharo
kusabsan qalab ay isbitaalka ugu ugu shaqeyn doona.