Kulankaani ayaa ahaa mid xog kala qaadasha ah kaasi oo u dhaxeeyay Hay’ada CARE iyo mas’uuliyiinta iyo macallimiinta  goobaha lagu  barto waxbarashada dadban kuwaasi oo kakala yimi magaalooyinka Qardho,Garoowe iyo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalkaais Mudug .

Wuxuuna ahaa mid inta badan ka soo qayb  galayaashu ay soo bandhigayeen Caqabadaha iyo horumarka laga gaaray goobahaasi lagu  barto waxbarashada dadban sidoo kalana waxay soo jeediyeen talooyin iyo codsiyo ay  u soo bandhigeen Hay’ada CARE International oo ku aadan barnaamijka ay hay’adaasi kawado deegaanada puntland oo kor loogu qaado xirfadaha dhallinta .

Furitaankii  kulankaani ayaa waxaa ka hadashay Asli oo ka mid ah saraakiisha Hay’ada CARE, waxayna wax badan ka soo sheekaysay waxqabadkii hay’ada CARE ee Somaliya iyo deegaanada Puntland intaba iyadoo sidoo kalana xustay aslin inay waxbadan ka qabteen dhanka horumarinta waxbarashada sheegtayna ujeedada rasmga ah ee kulankaani .

Gabagabadiina waxaa kulankaasi si rasmi ah u soo xiray Liibaan Jaamac oo isagu ah madaxa mashruucaani dhallinyarada xirfadaha kala gadisan loogu samaynayo liibaan ayaa sheegay in muhiimada koowaad ee kulankaani  uu ahaa sidii loo heli lahaa xogu ku saabsan halka uu marayo mashruucaani wixii qabsoomay iyo sidoo kale wixii aan qabsoomin intaba.

Kulankaani ayaa ahaa halmaalinle laysku dhaafsanayay xogaha ku saabsan halka uu marayo mashruucani kor loogu qaadayo xirfadaynta dhallinyarada ee ay Hay’ada CARE kawado deegaanada Puntland waxaana muuqanaysay sanooyinkii danbe mashaariic kor loogu qaadayo waxbarashada dadban kuwaasi oo ay deegaanada Puntland kawadeen Hay’ado kala Gadisan CARE  ay qayb ka ahayd waxaana ka faa’iidaystay Barnaamijyadaasi dhallinyaro aad u tiro badan  oo la baray xirfado ay gaar ahaantooda ugu shaqaystaan.

DAAWO SAWIRO









Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}

SBC International Garoowe