Hay’ada C R D Oo Fanaaniinta ku dhiiri gelineysa Dib u kicinta Fankii Somalia

Hay’ada Wada tashiga Cilmi baarista CRD ayaa dood cilmiyeed u qabatay maalintii labaad qeybaha kala duwan ee Fanaaniinta kaasi oo dib loogu soo qaadayo dib u howlgalinta qeybaha kala duwan ee Fanka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Wakaalada Murtida iyo Madadaalada Cabdi dhuux Yuusuf ayaa sheegay in ahmiyad weyn u leedahay dib u howlgalinta qeybaha kala duwan ee Fanka Soomaaliyed oo Bur bur xoogleh uu soo warajahay intii ay Somaliya Dowlad la’aanta aheyd.

Waxa uu ugu bahad celiyay hay’adaha Cilmi baarista CRD qaban qaabada la xiriirta dhiiri gelinta qeybaha kala duwan ee Fanka Soomaaliyeed .

Jibriil Ibraahim Cabdulle gudoomiyaha Hay’ada CRD ayaa isna hadal uu ka jeediyay kulankaasi ku sheegay in xiligani ay ugu talagaleen qeybaha kala duwan ee fanaaniinta qalabkii loogu talagalay fanka, Gaadiid iyo agabyo kale oo dhamaantood xiligani ku doonayaan dib u kicinta iyo dhiiri gelinta Fanka umada Soomaaliyeed.

C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Monitoring

Daalacatey :554

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print