Waxaa maanta ka furmay xarunta wasaarada waxbarashada ee dowaldapuntland tababar ay ka  soo qayb galeen macallimiin kakala timid deegaanada Puntland, Somaliland iyo koonfurta  Soomaaliya wuxuuna Kusabsan yahay tababarkaani sidii loo xoojin lahaa tayada macllimiinta wax ka dhigta dugsiyada  sare ee deegaanadaasi iyo sidii loo bari lahaa barayaashaani qaabka ugu wanaagsan ee loo saxo imtixaanaadka dugsiyada  sare.

Tababarkaani ayaa waxaa fulinaysa hay’ada AET (Africaan Education Trust) wuxuuna  socon doona muddo afar maalmood  ah waxaana ka qayb qaadanaya bixinta lagu baranayo inta uu socda tababrkaani Macallimiin ajnabi ah kuwaasi oo wax badan u sharixi doona barayaashaani sidaugu wanaagsan ee loo saxoimtixaanka.

Waxaana tababarkaani furay agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada puntland c/qaadir yuusuf nuux agaasimaha ayaa tilmaamay inay in badanu mahad celinayaan Hay’ada AET (Africaan Education Trust) oo uu sheegay inay  wax badan ka qabatay horumarinta waxbarashada guud ahaanba deegaanda Soomaaliu dagto sidoo kale agaasimuhuwaxaa uu kula  dardaarmay dhammaanba Macallimiintaaninasiibka u yeeshay inayka soo  qayb galaan tababarkaani inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan waana mid muhim u ah barre kaste gaara ahan kuwa dugsiyada sare ayuu yir agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashadu.

C/laahi Nuur Salaad waa sarkaal sare oo ka tirsan Hay’ada AET (Africaan Education Trust)  waxaana uu kawaramayaa u jeedada ay tababarkaani ka leeyihiin “waa in la adkeeyaa imtixaanaadka laga qaado Fasalada 1aad ,2aad iyo3aad ee dugsiyada sare ee uusan noqon oo kaliya in lagu baraarugo imtixaanka kama danbaysata ee laga qaadao fasalka afraad ee dugsiyada sare ,waxaana soo dhawaynaynaa Asxaabta nooga timid Somaliland iyo Koonfurta wadanka Soomaaliya” ayuu yiri C/laahi Nuur Salaad sidoo kale waxaa ka hadlay tababrkaani qaar kamid ah ka soo qayb galayaasha ku waasi oo soo Dhaweeyay tababarkaani .

Dhanka kale wasaarada waxbarasha ayaa maanta soo bandhigtay na tiijada imtixaanaadkii dugsiyad sare iyo kuwa dhexe gaar ahaan fsalka 8aad ee sanada 2010/2011 iyadoona uu saxaafada u aqriyay  Natiijooyinka dugsiyada sare ee guud ahaanba deegaanda Puntland agaasimaha waaxda imtixaanaadka ee wasaarada waxbarashada Puntland Axmed Zaahid sheegayna inuu ahaa imtixaankaani Guudahaanba Mid udhacay sidii loogu tala galay  ayna tahay sanadiilabaad ee hal mar uukawada dhaco imtixaanku deegaanda Puntland .

Tababarkaani ayaa waxaa uu noqonayaa kii labaad ee noociisa ah ee ay qabato ahy’ada AET (Africaan Education Trust) ayna ka soo qayb galaanmacallimiinta wax ka dhigta dugsiyada sare ee deegaanda Puntland iyo qaar ka yimid gobalada somaliland iyo koonfurta somaliya kaasi oo korloogu qaadayo tayada macallimiinta sidookalana labarayo sida ugu   wanaagsan ee loo saxoimtixaanaadka dugsiyadasare.

DAAWO SAWIRADA


Yuusuf Maxmed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe