Hay’ada Qeyriga ah ee Umusalama ayaa degmada xingalool ee gobolka Sanaag waxa ay ka qeybisay deeq raashin .

Hay’adan ayaa ku gudoonsiisay dugsiga Salaaxudiin arday danyar ah oo wax ka barata deeqdan raashin, taas oo aheyd mid ay u baahnaayeen xili lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sheekh Xasan Xuseen oo ka mid ah culimada degmadaas ayaa ugu mahadceliyay hay’ada dadkan soo gaarsiisay deeqdan,isagoo goobtii munaasabadda ugu duceeyay.

Sheekha ayaa sheegay in deeqdan ay ku soo beegantay xili munaasab ah oo aad loogu baahi qabay,

Dugsiga Salaaxudiin ee Xingalool waa dugsiga keliya ee ay ku jiraan arday danyar ah oo aan laheyn cid caawisa, waxayna markasta u baahan yihiin caawinta nooc kasta.

Dhageyso Warbixin faah faahsan oo uu Xingalool ku diyaariyay wariye Maxamed Saalax.