Tababarkan oo ay ka qyb galayaan 30xubnood oo kala socda ganacstada hilibka dhakhaatiirta xoolaha iyo rugta ganacsiga Puntland  waxaana looga hadli doonaa sida ugu haboon ee loo heli karo hilib fayadhowrkiisu sareeyo iyo suuqayn wanaagsan

Furitaanka taanka tababarka oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta wasaarada Xananada Xoolaha iyo haayada FOA  ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada xanaada xoolaha

Dr Ibraahim Xareed ayaa sheegay in loo baahanyahay in ganacsatada hilku soo gudbiyaan caqabadaha haysta isla markaana ay doonayaa in ay helaan wax qabad dhab ah waxaana uu intaa ku daray dr ibaraahim xareed ay aad u dayacanyihiin suuqayada hilibka lagu gado ee puntland isla markaan loo bahan yahay in si dhakhso ah wax looga qabto siloo helo hilib nadaafadiisu sarayso  waxaana uu ku booriyey ganacsatada hilibka iibiya ee ka qayb galayey tababarka in ay sheegaan meelaha ay doonaya in laga taageero.

Wasiirka xanaanada xoolaha ee Puntland Siciid Xasan Shire oo hadal kooban ka jeediyey furitaankii tababka ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaa cidkasta oo Puntland kala shaqaynsay fayadhowrka Hilibka xoolaha isla markaana ay muhiimtahay in lahelo suuq gayn wanaagsan oo ay helaan xoolaha puntland ayna muhiim tahay in la hubiyo caafimaadka xoolaha la kawaamayo

Tababarkan ayaa waxaa fuliynaya dhakhaatiir yugaandha ay ka keentahay haayada FAO ku waas oo khibrad dheer uleh faya dhowrka hilibka iyo guud ahaan caafimaadka xoolaha

Waxaana la filayaa marka uu dhamaado tababarkan in ay ka qayb galayaashu ka faaidoonan wax badan oo muhiim u ah faya dhowrka ka ganacsiga hilibka iyo suuq gayntiisa, Iyada oo ay hada muuqato in ay liidato nadaafada suuqayada hilibka ee magaalooyinka waa way nee puntland.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe