Roma:-Waxaa maanta ka furmaya magaalada Roma ee xarunta dalka talyaaniga shir deg-deg ah oo ay ku baaqday QM, si looga hadlo dhibaatada abaaraha ku dhuftay geeska Africa.

Xoghayaha guud ee QM Baan Kiin Muun ayaa ugu baaqay wadamada deeq bixiyaasha in ay ka qeyb galaan kulanka deg-dega oo lagu uruurin doono lacag dhan 1.6 bilyan oo dollar, iyo kaalmooyin dheeraad oo la siin doono Somalia oo ah dalka abaarta ugu badan ay ku dhufatay .

Mr Muun ayaa ka digay in dib u dhac ku yimaada deeqda la doonayo in loo uruuriyo wadamada geeska Africa ay sii kordhin doonto dhimashada oo sii badata.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii kaalmo deg-deg ah loo gaarsiin lahaa geeska Africa, taasi oo noqtay tii ugu darnayd ee soo marta gobolka muddo 60 sano ah.

Dalalka abaaraha ay waxyeeleeyeen ayaa waxaa kamid ah Somalia, Ethiopia, Kenya, Djibouti, Sudan iyo Uganda.

QM ayaa sheegtay in tobnaan kun oo qof ay dhinteen toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo soomaaliya si gaar ah looga tilmaamay labo gobol oo kamid ah.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring