Shirkad lagu magacaabo Bancroft Global Development oo laga leeyahay wadanka Mareykanka ayaa la shaaciyey in xarun ay ku leedahay Soomaaliya isla markaana saraakiil ka mid ah shirkadaasi ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kuwaasi oo qayb ka ah hawlgal shirkadaasi oo dhanka amaanka qaabilsan ay ka wado gudaha Soomaaliya.

Shirkadan ayaa waxaa la sheegay in ay ka qaadatey qandaraas waaxda arimaha dibada Mareykanka ee loo yaqaan State Department qandaraaskaasi oo ku aadan sidii ay uga caawin laheyd dhanka tababarada ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Bancroft Global Development hawlaha ay ka qabato Soomaaliya waxaa ka mid ah

1: Tababarka ciidamada AMISOM & kuwa dawlada KMG
2: Bixinta miino saarista & baaritaanka waxyaabaha qarxa
3: Baaritaanada la xiriira dheecaanada hido sidaha DNA-ga oo laga qaado dadka ku dhinta dagaalada gaar ahaan kuwa Ajanabiga si loo ogaado haybtooda.

Xog SBC ay heshay ayaa muujinaysa in shirkadan shaqaale ka tirsan oo u dhashay wadamada Yurub sida Scandinavian-ka, Faransiiska & South Afrika ay ku sugan yihiin Muqdisho iyadoo wararku sheegayaan in ay u dhaxeeyaan tiradoodu 40 ilaa 50 sarkaal.

Hawlgalinta shirkadan Bancroft Global Development & qandaraaska ay heshay dawlada Mareykanka waxay muujinaysaa sida dawlada Mareykanku aanay u dooneyn inay hawlgal ciidan ama military ugu yeelato dagaalka ka aloosan Soomaaliya, iyadoo maanka ku haysa dhacdadii 3-dii October 1993-kii ee la magac baxdey “Black Hawk Down” dagaalkaasi oo ay ku dhinteen 18 askari oo Mareykan ah ka dib dagaal ay la galeen xoogagii daacada u ahaa Jen. Maxamed Faarax Caydiid.

Talaabooyinka muujinaya inaanu Mareykanku lug toos ah oo military ku yeelan dagaalada ka socda Soomaaliya waxaa ka hadley dhawaan Johnnie Carson oo ka mid ah saraakiisha sar sar ee maamulka Madaxweyne Obama ee waaxda amuuraha dibada u qaabilsan arimaha Afrika waxaana uu yiri “ Ma doonayo in Mareykanku ay dhulkaasi tagaan ama ay faraha la galaan xaaladaasi”.

Taasi badalkeeda ayaa muujinaysa in Mareykanku daaha gadaashiisa ka wadaan qorshe military oo aanay si toos ah ugu lug laheyn oo ka socda Soomaaliya waxaana qorshehasi ka mid ah hawlgalka shirkada Bancroft Global Development.

Talaabooyinka kale ee muujinaya hawlgalka Mareykanka ee gudaha Soomaaliya waxaa ka mid ah jiritaanka hawlgal dhanka sirdoonka oo ay gudaha Soomaaliya ka wado hay’adda CIA-da ee Mareykanka u qaabilsan macluumaadka dhanka mukhaabaaradka, iyadoo masuuliyiin Mareykan ahi xaqiijiyeen in CIA-du si firfircoon uga hawlgal gasho gudaha Soomaaliya, isla markaana xarun ku leedahay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Hawlgalka CIA-da ee Muqdisho

Wargeyska New York Times ee ka soo baxa wadanka Mareykanka todobaadkan wuxuu qorey warbixin uu ku sheegayo in CIA-da Mareykanku ay ka caawisay dawlada KMG Soomaaliya hawlaha dhanka sirdoonka iyo waliba dhismaha xarun weyn oo looga dhisay sirdoonka Dawlada KMG guri weyn oo ay Soomaalidu u taqaan “Guriga Cas” kaasi oo loo adeegsado hawlaha baaritaanada & su’aalo waydiinta dadka looga shakisan yahay argagixisada iyadoo habka baaritaanka uu u eg yahay sida xabsiga Guantanamo ee Mareykanku ku hayo dadka looga shakiga qabo inay ka mid yihiin Al-qaacida.
Laakiin CIA-da Mareykanku waxay beenisay in ay jirto wax xarumo ah oo ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya “CIA-du kuma laha xabsiyo Soomaaliya iyo meelo kale xiligan, xarumahaasi su’aalo waydiinta & xabsigiba waxay dhamaadeen oo la soo afjaray mudo laga joogo laba sano & bar” sidaasi  Marie Harf oo ah haweenay hadal hayeen ah oo u hadhashay CIA-da.

Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ee loo yaqaan The Pentagon dhawaanahan waxay wadey weeraro xaga cirka ah oo lala beegsadey xubno ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, sidoo kale waaxdu waxay dhawaan qalinka ku duugtey lacag gaaraysa 45 milyan oo doolar oo oo hub loogu daabulayo ciidamada Afrika ka socda ee ku sugan Soomaaliya sida uu qorey wargeyska New York Times.

Talaabooyinka muuqda ee xiligan Washington ka ciyaaro xaaladaha military ee ka taagan Soomaaliya ayaa lagu macneeyey inay ka timid cadaadis ka yimid saraakiil & diblumaasiyiin hore oo Mareykan ah oo ku doodaya in sababa aanay u najaxin siyaasada Mareykanka ee Soomaaliya ku wajahan ay ugu weyn tahay iyadoo aanay jirin lug toos ah oo Mareykanku aanu ku laheyn furaha dagaalka Soomaaliya, iyagoo tusaale u soo qaatey sida Mareykanku lug toos ah ugu leeyahay hawlagalada Pakistan & Yemen, laakiin saraakiishu meesha kama saarin khatarta ay leedahay arinkan waxase mudo qabeen in la helo hawlgal waana tan keentey in la qaato duqeymaha xaga hawada oo lala beegsadey madaxda Al-Shabaab.

Wargeysku wuxu leeyahay mudo bilooyin ah waaxda amuuraha dibada Mareykanka waxay eegaysay sidii duqeymo xaga hawada ah loola beegsan lahaa xeryo military & goobo mucayin ah oo ku yaal Koonfurta Soomaaliya halkaasi oo looga shakisan yahay inay ku sugan yihiin ama ku tababartaan maleeshiyaadka , iyadoo sidoo kale qorshaha laga fakarayey uu ka mid ahaa in hawlgal toos ah au halkaasi ka fuliyaan ciidamo Kumaandoos Mareykan ah oo beegsada madaxda kooxda Shabaab taasi oo la aaminsanaa inay wiiqi karto hawlaglka Al-Shabaab.

Shirkada Bancroft waxaa ka dhisan xarunteeda magaalada Muqdisho Hotel ay ku degaan shaqaalaha hay’adaha samafalka, diblumaasiyiinta & waliba saxafiyiinta shisheeye ee booqanaya magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2010-dii shirkada Bancroft waxay ka heshay waaxda amuuraha dibada Mareykanka aduun lacageed oo gaaraya 7 milyan oo doolar taasi oo qayb ka ah hawlaha ay ku tababarayso ciidamada Burundi & Ugandha ka socda ee ku sugan magaalada Muqdisho qorshahaasi oo hoos taga midowga Afrika.

Mareykanka & Qaramada Midoobay saraakiil ka tirsani waxay xaqiijiyeen sida uu qoray New York Times in Muqdisho ay ku suagn yihiin 40 sarkaal ka mid ah shirkada Bancroft waxaana la sheegay in taageerada & tababarka shirkadaasi inay qayb weyn ka qaadatey in ciidamada AMISOM ay ka gaareen guulo la taaban karo dagaalada Muqdisho.

Saraakiisha shirkada Bancroft ayaa la sheegay in aanay ku akaan tababarka oo ay ku sugnaadaan xeryaha balse waxaa la sheegay inay tagaan furimaha dagaalka,  iyagoo ciidamada ka caawinaya habka loo dhiso dhufeysyada dagaal ee deg deg ah, sida darbiyada looga sameeyo duleelo laga baxo ama la isaga gudbo, iyo waliba duleeleedka toogashada.

Saraakiisha ka tirsan shirkada Bancroft ee loo soo kireystay hawlgalka Soomaaliya waxaa ka mid ah  Richard Rouge too 51 sano jir ah una dhashay wadanka Faransiiska wuxuu horey uga tirsanaa ciidamada Faransiiska, wuxuu ka mid ahaa kooxo ajanabi ah oo ka dagaalamay wadanka Ivory Coast sanadkii 2003-dii.

Wargeyska New York Times oo wareystey Mr. Rouget wuxuu sheegay  inaanu isku arkin calooshiis u shaqeyste sida ay dhici karto in dad badan ay qabaan.

Richard Rouge wuxuu sheegay in uu ku dhaawacmey dagaalada Muqdisho sanadkii hore waxaana uu sheegay in dagaalka magaalada uu yahay qidad oo qofkii si wanaagsan u yaqaan qidadaasi uu ku guuleysanayo.

Taageerada CIA-da & ogaanshaha madaxda sar sar ee DKMG

Wargeyska New York Times wuxuu qorey in CIA-da taageerada ay siiso ciidamada sirdoonka dawlada KMG gaar ahaan hay’adda nabadsugida qaranka ay ka mid tahay in ay ciidamada siiso tababaro, qalabka xabada looga gaashaanto, muraayadaha indhaha ee sirdoonka, iyadoo CIA-du si buuxda u siiso dhaqaalaha hay’ada NSA (National Security Agency)  ee dawlada KMG.

New York Times waxay soo xigatey sarkaal ka tirsan dawlada KMG oo ay sheegtey in uu ka gaabsadey in magaciisa la xuso wuxuu sheegay in xitaa Madaxweynuhu (Sheekh Shariif) aanu war u hayn hawlaha CIA-da, iyadoo lagu macneeyey hawlgalkaasi dawlad ku dhex jirta dawlad.

Waa Tuma shirkada Bancroft

Shirkada Bancroft saldhigeedu waa dalka Mareykanka waxaana xarunteedu ay ku taal magaalada Washington waxaa aasaasay sanadkii 1999-kii nin lagu magacaabo Michael Stock oo  34 sano jir ah oo ka soo jeeda gobolka Virginia, shirkadaasi wuxuu u aasaasay si ay u qabato hawlaha miino baarista aan sidaasi u baaxada weyneyn, laakiin xiligan waxay haysaa hawl ka baaxad weyn hawlihii loo aasaasay oo ay waxay si buuxdaa ugu leedahay lug muhiim ah dagaalka ka aloosan Soomaaliya.

Michael Stock wuxuu sheegay in shirkadiisa dadka ka shaqeeya ee ku sugan Soomaaliya aanay aheyn calooshood u shaqeystayaal waxaana uu sheegay in shirkadiisu ay shaqeeleysanayso cid kasta oo qibrad u leh dagaalada Afrika.
Hawlgalka shirkadan Bancroft ee gudaha Soomaaliya wuxuu muujinayaa jiritaanka shirkado shisheeye sanooyinkii la soo dhaafayey hawlgalo ka wadey Soomaaliya, sida ay sheegayso warbixintii qaramada midoobay shirkado fara badan ayaa Soomaaliya hawlo kala duwan ka waday, iyadoo shirkadaasi qaarkood ay lug ku leeyihiin colaadaha Soomaaliya waxaana lagu sheegay warbixinta qaramada midoobay in shirkadaasi ay qaarkood ilaaliyaan siyaasiyiinta Soomaalida, tababarka ciidamada Afrika & kuwa kale oo loogu tala galay inay la dagaalamaan kooxaha burcad badeeda.

Puntland & Saracen International

Warbixinta Qaramada Midoobay waxay soo xigatey in shirkad laga leeyahay Koonfur Afrika oo lagu magacaabo Saracen International ay u tababartey Puntland 1000 ciidamo loogu tala galay la dagaalanka burcad badeeda, warbixintaasi waxaa lagu sheegay in shirkadaasi qalabka military ee ay adeegsanayso in uu yahay mid tayayadiisu aad u sareyso isla markaana ka dhigaya ciidanka adeegsanaya kan ugu awooda badan meel kasta oo ka mid ah Soomaaliya.

Warbixinta qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in shirkada Saracen ay hub u soo daabushay waqooyiga Soomaaliya iyadoo diyaarado xamuul oo ka ambabaxay Imaaraadka Carabta & Ugandha loo adeegsadey, taasi oo warbixinta Qaramada Midoobay ku sheegtey in ay tahay mid ku xadgudbaysa cunaqabateynta hubka ee saarabn Soomaaliya.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com

Source:
anonymous Sources
New York Times
UN Somalia Report