Iyadoo ay soo baxayaan mowqifyo kala duwan oo la xiriira hawlgalka military ee Kenya ka wado gudaha Soomaaliya ee ay sheegtey inay kula dagaalamayso xoogaga Al-Shabaab ayaa waxaa arintan cusub ee muranka dhanka diblumaasiyada dhalisaywax laga waydiiyey qaramada Midoobay iyadoo xeerarka qaramada midoobay qodobadiisa 50-51 ay ka hadlayaan faragalinta ama talaabo military oo dal uu ka qaado dal kale ay tahay in marka hore lagu soo wargaliyo golaha amaanka ee Qaramada Midoobay isla markaana ku saleysan nidaamka isdifaaca, gaar ahaan qodobka 51-aad ee axdiga qaramada midoobay.

Hadaba su’aalo caynkaasi oo la xiriira hawlgalka Kenya in ay ka warheysay qaramada Midoobay iyo in kale ayaa la waydiiyey Martin Nesirky oo ah afhayeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-Moon.

Su’aasha la waydiiyey Martin ayaa aheyd: Waxaan jeclahay inaan ku waydiiyo arin ku saabsan Soomaaliya shaley waxaad sheegtey in ay jireen waraaqo ka yimid Soomaaliya & Kenya, taasi macnaheeda waxaan u qaatey in Soomaaliya ay ku faraxsan tahay talaabada Kenya, laakiin Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa laga soo xigtey in uu ku tilmaamay talaabo aan wanaagsaneyn ka soo talaabida ciidamada Kenya xuduuda Soomaaliya, sidaasi darteed taasi waa mid walaac nagu abuurtey muxuu yahay doorka xoghayaha guud ee qaramada midoobay maadama golaha amaanka uu yahay kan ilaalinaya axdiga qaramada midoobay gaar ahaan qodobka 51, iyadoo ay u muuqanayso in wadan uu galey wadan kale, isla markaana uu sheegtey in uu ka haysto taageero Faransiiska iyo xitaa Mareykanka, hadaba muxuu ka yiri Ban Ki Moon?.

Su’aashi ayuu kaga jawabay afhayeenka xoghaya guud ee qaramada midoobay wuxuu yiri,

“Sidii shaley aan sheegay waxaa jira codad is khilaafsan, xaaladaha qaarkoodna waa kuwa iska soo horjeeda, laakiin waxaan idiin sheegayaa waxaa jirta waraaq Kenya wakiilkeeda joogtada uu soo gudbiyey golaha amaanka, documentigaasi oo laga helo warbaahinta qaramada midoobay, waana waraaq ka timid xukuumada Kenya oo ku socotey Golaha Amaanka taasi oo qeexaysay waxa la qaadi doono iyo waliba inay iska kaashanayaan Soomaaliya, sidaasi darteed waxaa kale oo la socdey waraaqdaasi mid kale oo ah heshiis ay wada saxiixeen labada wadanka (Somalia & Kenya) ka dib markii kulmeen 18-ii October 2011. Laakiin xaalada labada wadan waxaa hada loo gudbiyey golaha amaanka waxaana soo gudbiyey wadamada ay khuseyso arintani.

Dhinaca kale SBC oo heshay nuqul ka mid ah heshiiskii dawlada Kenya & dawlada KMG Soomaaliya iyo waliba qoraalkii Kenya ay u dirtey golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa waxaa ka muuqanaya shaki badan oo arintan ku gadaamaan.

Waa tan koowaade, Heshiiska Kenya & Soomaaliya oo ku saleysnaa arimo fara badan balse ay ugu muhiimsaneyd Kenya oo doonaysay iskaashi dhanka military-ga ah iyo la dagaalanka Al-Shabaab, heshiiska waxaa la saxiixay 18-kii October 2011, laakiin waraaqda Kenya ay u gudbisey golaha amaanka oo qaramada midoobay ugu diiwan gashan United Nations  S/2011/646 waxaa ka muuqata in qaramada midoobay la soo gaarsiiyey 18 October, isla markaana Kenya ay soo gudbisey oo sida qoraalka ka muuqata la qoray 17 October taasi oo maalin ka horeysa xiliga Kenya & Soomaaliya heshiiska saxiixdeen, taasi oo muujinaysa in Kenya ay heshiiskan u maamulatey sidii kii badda, isla markaana ay Kenya qabtey in sida ay rabto loogu saxiixi doono heshiiska balse ay u sii gudbisay oo ay u sii hormarisay ogeysiisnta golaha amaanka.

Sidoo kale waraaqda Kenya ay u gudbisey golaha amaanka sida aan soo xusnay waxaa la socda waraaq kale oo cadeynaysa in Kenya & Soomaaliya heshiis saxiixdeen balse qoraalkaasi saxiix cad kama muuqdo marka loo eego kan la saxiixay 18-kii October oo ay wada jir u saxiixeen wasiirka arimaha dibada Kenya & wasiirka difaaca dawlada KMG Soomaaliya.

Dad badan oo u dhuundaloola arimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in khilaafka Kenya & Soomaaliya gaar ahaan hadalkii Madaxweynaha, jawaabtii Ra’isalwasaaraha, shakiga wadamada kaalmeeya dawlada KMG Soomaaliya, qaylo dhaanta ka soo yeeraysa beelaha gobolada Jubooyinka qaarkood, Ahlu Sunnada Gedo & Jubooyinka in ay taasi waxyeelo weyn gaarsiin karto xafiiska Sheekh Shariif oo horey eedeymo loogu soo jeediyey kuwaasi oo la xiriira dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Laakiin su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah Soomaalidu xagee ka gali kartaa aayo ka talinta dalkooda?.

Halkan ka akhri qoraalkii dawlada Kenya & waraqda heshiiskii Somalia & Kenya ee loo gudbiyey UN-ka isagoon saxiixneyn

Link hoose ka akhriso heshiiskii dawlada KMG Soomaaliya & Kenya.
HALKAN RIIX

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com