Ugu yaraan 8 afduubayaal Soomaali ah ayaa lagu diley kuwa kale waa lagu dhaawacay hawlgal qarsoodi ah oo ka dhacay deegaanka Higlaale ee gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya kaasi oo lagu soo furtey shaqaale ajanabi ah oo u dhashay wadamada Mareykanka & Denmark oo laga qafaashay magaalada Gaalkacyo.

Shaqaalaha samafalka ee afduubka loo heystey ayaa ka tirsanaa hay’adda Danish Refugee Council  ee Denmark laga leeyahay waxaana lagu kala magacaabaa Jessica Buchanan oo ah haweenay Mareykank ah oo 32 sano jir ah iyo Poul Hagan Thisted oo nin 60 jir agh oo u dhashay wadanka Denmark.

Dane & Buchanan, ayaa la sheegay in horey loogu sii qaaday diyaaradihii ay wateen ciidamada Mareykanka.

SBC News Desk