Shirkan oo ay iskugu yimaadeen Haweenweynah ku Hadla Afka Soomaaliga oo isaga yimid dunida dacaladeeda iyo dalka kaasi oo looga Hadlidoono Dhibaatada  Gudniinka Gabdhaha ayaa manta ka Furmay Magaalada Garoowe.

Shirkaan ayaa waxaa looga wada Hadlidoonaa Inta uu socdo Dhibaatada Gudniinka Gabdhaha waxaana uu shirkaasi u furmay Haweenweynaha Soomaaliyeed kuwaasi ooka kala yimid Dalalka Djabuuti ,Ethiopia ,maamulada Soomaaliland ,Puntlad,Galmugud ,koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya .

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada Haweenka Hormarinta iyo Arimaha Qayska Puntland  waxaana Maalgilinaysay Hay;ada UNICEF.

Shirka ayaa waxaa daafurtay   Marwo :Aamino Abiib Jibriil Marwada madaxweynaha Puntland waxaana ay sheegtay in kulanka ay yeesheen haweenka Soomaaliyeed ay Arinsandoono mudada uu socdo Gudniinka Gabdhaha ee Furcooniga dhibaatadiisa.

Wasiirada  Haweenka hormarinta iyo Arimaha qayska Puntland Marwo Caasho Gelle Diiriye oo ka hadashay Ujeedada shirka ay iskuugu yimaadeen haweenka soomaliyeed ayaa waxaa ay sheegtay in uu san kulankaani hayn midsiyaaasad Balse uu yahay mid loogu falanqayn doona Arimaha haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan Dhibaatada Gudniinka Gabdhaha, kulmaan si daasiraadeedna ay u wada kulmeen waxayana wasiirada intaasi ku dartay in shirka ay ka soo bixidoonaan gu’aamo wasiirada ayaa sheegtay in lala xisaabtamidoono Dadka seefta banaanka u soo dhigatay haweenka Gudniinkooda .

Wasiirada wasaarada  haweenka Dowlada ku meel gaar ka aha Ee Soomaaliya Marwo:Maryan Aweeys jaamaca oo ka hadashay kulanka garoowe ugu furmay haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegtay in ay soo dhaweynayso ka wada Arinsiga ay haweenka Soomaaliyeed ay ka wada hadlayaan Arimahooda Gaar ahaan gudniinka Gabdhaha  Aadna ay ugu faraxsantahay kamarayan aaha  waxaana ay sidoo kale sheegtay ‘waxaa mihiim ah in haweenka Soomaaliyeed ayka wada hadlaan Dhibaatada Dhexdooda ah.

Shirka haweenka Soomaaliyeed Ee manta ugu qabsoomay hoolka shirarka hay’ada cilmi barista Puntland u qaabilsan Ee PDRC ayaa waxaa lagu soo bandhigay filimka ka turjumayay dhibaatada Gudniinka fircooniga uu ku haayo Haweenka gaar ahaan xiliyada la Gudayo hablaha waxaana madasha suugaano iskugu jirta heeso,shirib,Buraanburro iyo Gabiyo dhamaanba ay Faraxad giliyay Dadkii daawaday .

Waa markii ugu horaysay ee haween Soomaaliyeed ayka wada hadlaan dhibaatada uu ku hayo gudniinka fircooniga  fadhika yeeshaan  waxaana uu soo Idlaandoonaa maalinta Barito ah .

Sawiro




Cabdi caziiz Ibraahim Axmed (Cabdi Caziizokey)
SBC International Garoowe