Kulan ay maanta ku yeesheen haweenka gobolka bari xarunta dawlada hoose ee degmada boosaaso ayay ka soo saareen baaq nabadayn ah oo ay u dirayaan beelo walaalo Ah oo dirir ku dhax marayso deegaano hoos taga gobolka karkaar.

kulankan oo sidoo kale ay qayb ka ahaayeen xubno ka socday wasaarada haweenka puntland ayaa waxaa ay haweenkii ka qayb galay ay wacad ku mareen in ay guryahooda ay faaruqin doonaan hadii aan la joojin dagaalka beelaha walaalaha oo ay ku macneeyeen in uu yahay mid meel uu ku socdo iyo meel uu ka yimid la garanayn

Haweenkii ka qayb galayay kulankaasi ayaa waxaa laga dheehan karay murugo ku dheehan in ay ka xun yihiin dagaal beeleedyada ku soo noqnoqda puntlan iyagoo sidoo Kale haweenkii ka hadlayay goobtaasi ay ilmeeyeen oo ay sii wadan kari waayeen hadaladii ay halkaasi ka jeediyeen.

Maryan Maxed Xasan Maryan Guduudo Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka bari ayaa si kulul baaq ugu dirtay beelahaas Dawlada puntland  ganacsatada iyo culamo awdiinka in ay xil iska saaraan joojinta dagaalkaas.

Faadumo Nuur Mama Afrika madaxa dalada Bender Qaasim Khadro Dhuungale Gudoomiyaha uruka haweenka degmada Boosaaso Salaado Abti doon iyo waliba Shamis Mahad Bulxan oo ka socotay wasaarada haweenka puntlan ayaa ka mid ahaa haweenkii ka hadlay xaruntaas .

Ugu danbayntii baaqan ay direen haweenka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa baaqyo ay dirayaan xildhibaanada puntland iyo isimada oo ku wajahan beelahaas iyadoo dagaaladana ay yihiin kuwo wali socda oo aan xal loo heli.

Maxamed Cali Iimaan
SBC International Boosaaso