Jessica Buchanan oo ah haweeney bishii tagtay ay soo badbaadiyeen Ciidamada Mareykanka iyada oo gacanta ugu jirta Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa war ay soo saartay waxay ugu mahadcelisay Madaxweyne Obama iyo cid kasta oo gacan ka geystay Dadaalka lagu siidayay.

Mss Jessica oo ah 32 jir ay si xoog ah ku soo furteen ciidamada mareykanka ee sida aadka u tababaran iyada iyo mid ka mid ah shaqaalaha Hayada DBG oo lala qafaashay ayaa ku tilmaamantay soo furashadooda mid guul u ah dowlada Mareykanka.

Bishii tagtay ayay ahayd markii ciidamada Mareykanka ay saq dhexe weerar ay ku qaadeen Burcad badeeda Soomaalida oo afduub u haystay haweeneydan iyo nin Danish ah oo iyadoo halkas lagu dilay in ku dhow 8 nin oo burcad ah waxaana iyaga oo badqaba halkas laga kaxeeyay labadii qof ee la qafaashay markii hore.

Casiiso Muuse C/kariin
SBC International Monitoring