Haweenay Soomaaliyeed oo magaceeda ku sheegtey Layla ayaa ka sheekeysay dhibaato la yaab leh oo ka qabsatey wadanka Holand sanadihii sagaashameeyadii.

Gabadhan oo wareysi siisey Telefishinka Somali Chanel Studio-yada magaalada London ayaa sheegtey in sanadkii 1992-dii ay soo gashey wadanka Holand isla markaana ay gashay kaamamka qaxootiga markii ay ka soo baxdey ayey sheegtey in iyadoo maalin ku sugan goob ay ka socotey xaflad dhaqamada Afrikaanka ay si lama filaan ah isku bareen nin Afrikaan ah kaasi oo sheegtey in uu sixray isla markaana mudo 5 sano ah uu haystey.

Haweenaydan oo wajigeeda qarisay ayaa ka sheekeysay dhacdo & qiso xanuun badan iyadoo sheegtey in mudo shan sano ah oo ninkaasi ay la nooleyd aanay laheyn wax xusuus ah, isla markaana ay ka go’aday dadkeedii xitaa hooyadeed, waxaana markii dambe ay ka sheekeynaysaa sidii ay qiso isku badashay iyo wixii dhacay.

Qisada haweenaydan oo magaceeda & kan Aabaheed badashay isla markaana wajiga qarsatay link Video hoose ka daawo.

DAAWO