Gabar Soomaali ah oo Magaceeda lagu soo koobay Nacima yuusuf ayaa ka hor qirtay Maxkamad ku taala wadanka Mareykanka inay xiriir iyo tageero u fidinba ay la lahayd Xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta Dalka Soomaaliya.

Naciimada oo qaxooti ahaan ugu nooleyd wadanka Mareykanka gaar ahaana Magaalada San Diego pleaded ayaa sheegtay inay Caawinaad u sameysay 4 nin oo dalka mareykanka uga tagey inay ku biiraan xarakada alshabaab si ay uga barbar dagaalamaan dagaalada ay kula jiraan DKMG.

Haweeneyday Soomaalida ah ayaa sheegtay inay heshiis la gashay afar nin oo soomaali ah kuwaasi oo ay magacyadooda ku kala sheegtay Mohammed Abdullahi Hassan, Abdisalan Hussein, Cabdulaahi Ahmed Faarax, iyo Abdiweli Yassin Isse inay u dirto lacag iyo agab kale oo taageero u noqonaya Deeganada ay Alshabaab gacanta ku hayso.

Naciima Yusuf ayaa Maxkamada la soo taagay ku dooday sababta ay alshabaab u taageeraysay ay ahayd ka dib markii dowlada Mareykanka ay Xarakada alshabaab u aqoonsatay urur argagaxiso oo xiriir la leh Dad ajaanib ah.

Ka dib markii maxkamada ay dhageystay Qirashada Naciima ee danbiyada loo haysto ayaa ay sheegeen in ku dhawaaqista xukunkeeda iyo kan afarta nin ee Soomaalida ah ay ku dhawaaqeyso Bisha Febuary ee sannadka Soo socda.

Xukunka haweeneyday ku waajibi kara hadii lagu helo danbigan waxaa ay muteysannkartaa xukun dhan 15 sanno oo xarig ah iyo lacag ka badan 200 oo kun oo dollar oo ganaax ah sida u qabo sharciga wadanka Mareykanka.


SBC International Monitoring