Dowlada Franca ayaa shaaca ka qaaday in ay geeriyootay Haweeney u dhalatay dalkaasi oo afduub loogu heystay gudaha Dalka Soomaaliya .

Afhayeen u hadlay Xukuumada dalkaasi ayaa shaaciyay in ay heleen warar la isku haleyn karo oo xaqiijinaya in ay geeriyootay Mariya Detiau oo iyadu ay kooxo aan la aqoon ka soo afduubteen goob dalxiis oo ku taala dalka Kenya .

Wararka ayaa intasi ku daraya in aan la ogeyn sababaha ay u geeriyootay Haweeyneydaan balse waxaa wararka qar ay tilmaamayaan in ay u geeriyootay xaalado caafimaad oo markeedii horeba heystay,

horaantii Bishan ayay aheyd markii kooxo aan heybtooda la xaqiijin karin ay Mariya ka soo qafaasheen goob dalxiis oo ku yaala dalka Kenya halkaas oo ay qaab dalxiis ah ku joogtay .

SBC INternational Monitoring