Haweeney lagu magacaabao Xie Qiuping ayaa ilaa iyo haatan waxay haysataa darajada haweenayda ugu timaha dheer aduunka, ka dib markii sanadkii 2004-tii loo caleemo saaray rikoorkaasi.

Haweenaydan oo ku dhalatey gobolka Guangxi ee dalka Shiinaha ayaa ilaa iyo xiligaasi waxay ku naaloonaysaa darajada haweendya ugu timaha dheer iyadoo aanay jirin cid kula tartantey ama u soo babac dhigtey inay ka qaado horyaalka ay haysato.

Xie ayaa sanadkii 1973-dii iyadoo 13 jir ah waxay go’aansatey inay timaheeda aanay taabsiin maqas oo aanay jirin, isla markaana waxay qaatey go’aan ay ku siinayso xanaano dheeraad ah si aanay u gurmin ama u go’in, waxaana sanadkii 2004-tii markii ay hubsatey in timaheedu ka dheer yihiin afar jeer joogeeda inay aduunka isagu soo bandhigto waxaana loo aqoonsadey haweeneyda ugu timaha dheer aduunka, sida uu ilaa iyo hada ugu diiwan gashay buuga lagu daabaco waxyaabaha mucjisooyinka ama la yaabka aduunka ee loo yaqaan Guinness World Records Book

Dhirirka timaha Xie ayaa ah 5.63 meters waxaana ay leedahay dad gaar ah oo la xanaaneeya timaheeda gaar ahaan xiliyada ay safreyso ama ay soconayso.

DAAWO SAWIRADA XIE TIMO DHEER

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com