Haweenay u dhalatey wadanka Ruushka ayaa noqotey qof nasiib wanaag & nasiib xumo kala kulantey nolasheeda ka dib markii ay u geeriyootey naxdin & wadne xanuun ay ka qaaday iyadoo ku soo baraarugtey tacsideeda oo la dhigayo.

Haweenaydan oo lagu magacaabi jirey Fagilyu Mukhametzyanov oo da’deedu aheyd 49 sano ayaa koox dhakhaatiir ah oo ku sugan magaalada Kazan ee wadanka Ruushka oo ay deganeyd waxay si khalad ah u xaqiijiyeen inay geeriyootey taasi oo keentey in ninkeeda & qoyskeeda ay tacsi u diyaariyaan, halkaasi oo ay ka bilaabatey baroor & oohin ku aadan geeridadeeda.
Fagili Mukhametzyanov oo qabtey xanuunada dhanka saabka ee neefta ayaa  ninkeeda & qoyskeeda waxay u qaateen inay geeriyootey ka dib markii ay ku arkeen caalamaha dadka geeriyooda, waxaana ka dib ay ula carareen Isbitaalka magaalada Kasan, halkaasi oo ay dhakhaatiirtu u sheegeen in haweenayadaasi ay geeriyootey, laakiin mudo 12 daqiiqo ah iyadoo ay socoto baroortii ayey Fagili indhaha soo kala qaaday waxaana ay ka warheshay dadkii oo u oynaya in ay geeriyootey, balse mudo yar ka dib naxdintii ay arinkaasi ka qaaday Fagili ayay si rasmi ah ugu geeriyootey ka dib markii uu wadnuhu istaagey.
Mukhametzyanov oo ah Sayga Fagili ayaa shaaca ka qaaday in Dhakhaatiirka Isbitaalka Kazan ee xaaskiisa markii hore sida qaladka u sheegay inay geeriyootey uu leeyahay masuuliyada geerideeda waxaana uu sheegay in uu dacwad ku soo oogayo Isbitaalkaasi.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com