Haweenay u dhalatey wadanka Mareykanka ayaa xabsi u mutayesatey telefoonkeeda oo ay isaga hadleysay isla markaana safar ku jirtey xiligaasi.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Lakeysha Beard, waa 39 sano jir waxaana la sheegay in mudo 16 saacadood ah ay telefoon isaga hadlaysay iyadoo saaran tareen, iyadoo fadhiday qayb loogu tala galay in aan shanqar badan la sameyn.,

Mrs Beard ayaa la sheegay inay si aad ah oo cod sare leh ugu hadlaysay telefoonka taasi oo ay aad u dhibsadeen dadkii la saarnaa tareenka, waxaana markaasi ka dib u yimid shaqaalaha Tareenka oo haweenaydaasi ka codsadey inay joojiso qaylada & telefoon ku hadalka, balse way ku gacan sayrtey waxaana ay sheegtey inay xaq u leedahay in telefoonkeeda ay ugu hadasho sidii ay doonto.Tareenka dhacdadan ka dhacdey oo isaga kala gooshayey magaalooyinka Oakland ee gobolka California & Portland, ee gobolka Oregon, iyadoo markii dambe ay arintii faraha ka baxdey oo ay gaartey in gacmaha la isula tago iyadoo loo wacay Booliiska, waxaana ka dib Booliisku ay haweenaydaasi si qasab ah uga soo dajiyeen tareenka iyagoo xabsi u taxaabay.

Dhacdadaasi markii ay dhacdey Lakeysha Beard oo la hadlayesya telefishinka KATU News, waxay muujisay sida ay uga niyad jabsan tahay xaaladan, iyadoo sheegtey in aanay jirin sabab loogu xiro inay ku hadasho telefoonkeeda.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com