Haweenay u dhalatey wadanka Indonesia oo dhawaan xukun qoor goyn ah loogu geystey wadanka Sacuudiga ayaa caro xoogan ku abuurtey dadka & xukuumada Indonisia taasi oo keentey in xukuumada Jakarta ay u yeerato safiirkeedii ka joogay dalka Sacuudiga.

Haweenayda qoorta laga jarey oo lagu magacaabo Ruyati binti Satubi Saruna, 54ayaa xukun dil ah oo goor goyn ah lagu sameeyey ka dib markii lagu eedeeyey inay dishay xaaska nin ay u shaqeynaysay.

Filim muuqaal ah oo laga baahiyey telefishinada qaar gaar ahaan kan dalka Indonisai ayaa laga daawaday haweenayda oo meel fagaare ah unuunka looga jareyo, iyadoo arintan ay si weyn uga caroodeen dadka reer Indonisa.

Sidoo kale xukuumada Indonisia ayaa ka carootey dawlada Sacuudiga oo diidey in ay ku soo wareejiso meydka haweenada qoorta laga jaray.

Link Video hoose ka daawo haweenaydan oo lagu qaadayo xukun oo seef aad u af badan surka looga jarayo. Digniin muuqaal naxdin leh.
HALKAN RIIX

Yaasiin Faradheere
Stockholm Sweden