Cayilka & cunto cunkaagu kumaan kun oo doolar ma ku heshaa (Haween si xad dhaaf  ah u cayishay oo  $ 90 kun doolar si xirfadeysan ku hesha.

Donna Simpson oo ah haweenay u dhalatey wadanka Mareykanka isla markaana raadinaysa in ay noqoto haweenayda ugu buuran aduunka ayaa shaaca ka qaaday inay sanad kasta hesho kumanaan kun oo doolar oo si xirfad leh ay ku hesho.

Donna oo 44 sano jir ah miisaankeedu wuxuu haatan yahay 317 Kg, waxaase ay sheegtey in baruur & cayil kale ay u sii xiiso qabto iyadoo sheegtey in ay jeceshahay in miisaankeedu gaaro 450 Kg, iyadoo sheegtey inay raadinayso sidii ay ku noqon laheyd haweenayda aduunka ugu buuran.

Donna ayaa dhawaan sameysatey website waxaana ay sheegtey in taageerayaasheeda & dadka kale ee soo booqanaya website-kaasi ay inta isdiiwan galiyaan ay bixinayaan lacag gaaraysa 20 doolar oo bishii ay  ay ku daawanayaan iyadoo wax cunaysa oo waliba cunto kala duwan si live ama toos ah u cunayasa.

Haweenaydaasi ayaa sheegtey in sanad kasta ay ka hesho hawshaasi la daawanayo iyadoo cunto cunaysa aduun lacageed oo gaaraya 90 kun oo doolar, waxaana ay aaminsan tahay buurnaanto inay tahay qurux.

Donna inkastoo ay si ba’an u cunto cuntada ay ka mid tahay macmacaanka hadana cabsi kama qabto inay ka qaado macmacaankaasi sida jaaladata & cream-yada kale cuduro waxaana laga daawadaa website-keeda iyadoo si ba’an u daliiqaysa Pizza, Burger, doofaar, digaag, khudrad & cuntooyin kale, laakiin lacagta faraha badan ee ka soo gasha haweenaydaasi in la daawado iyadoo cunto jajabinaysa hadana waxaa adeega suuqa uga baxda lacag gaaraysa 800 doolar todobaad kasta oo ay ku soo gadato cuntada ay cunto.
Donna waxay dalka Mareykanka ku haysataa rikoorka in ay ahed haweenaydii ugu buurneyd ee ilmo dhasha, waxaana ay leedahay laba ilmood. link Video hoose ka daawo haweenaydan oo sida cuntada ay u cunayso aad ka naxayso oo hadana ku faraxsan cunto layntaasi.


Halkan ka daawo

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com