Waxaa maanta lagu qabtay xarunta wasaarada haweenka ee magaalda garawe kulan balaaran oo haweenka punland ay ku taageerayeen shirkii dhinacayada soomalida ee ka dhacay magalada garawe iyo go,aamadii ka soo baxay oo ay sheegeen haweenka puntland in ay ahayeen kuwo muhiim u ah bulshada somaliyeed gaar ahaana  haweenka somaalida oo go.aamadii la gaaray ay siinayeen saami wanaagsan oo ay ku yeelanayaan barlamaanka somaliya ee dhawaan la soo xulidoono

Wasiirka wasaarada haweenka iyo arimaa qoyska puntland marwo caasho geele diiriye oo makrii kulankaasi dhamaaday u warantay warbaahinta sbc ayaa sheegtay in muhiimada kulan uu ahaa taageero haweenka puntland u mujiiyeen shirkii  wadatashiga somalida iyo qodobadii ka soo baxay oo ay  sheegtay in ay waxtar ahaayeen umada soomaliyeed gaar ahaana haweenka oo ay sheegtay in ay saami ka wanaagsan kuwii hore ay ka heleen kaasi oo ah in ay barlamaanka cusub ee la soo xulidoono ay ka helidoonan boqolkiiba labaatan isla markaana kunka qof ee dastuurka ansixinayana ay intaas iyo kabadanba ku leeyhiin

Dhanka kale wasiiradu waxay uga digtay madaxda somaalida oo isugu jirta siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedkaba in aysan badalin xubnaha haweenku ku yeelan doonaan barlamaanka la soo xulidoono isla markaana waxay ugu baaqday haweenka somaliyeed in ay soo xulaan dad qaban kara xilkaasi oo aqoon lagu keenay

Waxaana ay ku soo beegmaysa taageerada haweenka punland ee shirkii dhawaan garawe ka dhacay garawe iyo go,aamadiisi xili ay siwayn u soo dhaweeyen ururada bulshada rayidka ah ee puntland oo iyaguna sidan oo kale tageeray shirkan iyo go.aamadiisi.