Dallada Ampcan ayaa maanta xarumaha hooyada iyo dhalaanka ee Garowe waxaa ay gaarsiisay raashin kaasi oo loogu tala galay qoysaska danyarta iyo barakacayaasha ah gaar ahaaan hooyoyinka iyo caruurta imaanaya gobooha caafimaad MCH loo yaqaan, waxaan mar aan saaka booqday sadex kamid ah xarumaha hooyada iyo dhalaanka ee Garowe aan kula kulmay haween danyar ah oo saf ugu jira sidii ay u qaadan lahayeen raashinkaasi,

Maxamed Bashiir Maxamed (dhuxul ) gudoomiye ku xigeenka ururka Ampcan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay qaybiyeen raashin loogu talagay nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka kaasi oo ka kooban Boorash,Sonkor,Digir, Saliid iyo Galay, waxaana uu intaasi ku daray in raashinka ay ka qaybiyaan qaar kamid gobolada Puntland sida gobolka Nugaal oo sheegay in gaarsiyaan magaalooyinka Garowe ,Ayl iyo Burtinle iyo gobolka Bari oo ay ka qaybiyaan magaada Boosaaso iyo Bargaal waxaana uu xusay in dad gaaray 352qof oo isugu jira dumar iyo dhalaan ay gaarsiiyeen raashinkaasi dhawaana ay qorshaynayaan ka qaybiyaan gobolka Karkaar .

Raashinkan maanta laga qaybiyey magaalada Garowe iyo qaar kamid ah degmooyinka hoos yimaada gobolka Nugaal waxaa looga goleeyahay in lagu nafaqeeyo hooyinka nafaqa daradu hayso iyo dhalaanka waxaana kaasi oo ay ku deeqday hayad WFP waxaana ay soo marisaa dalada ampcan oo Africa u qaabilsan ka hortaga tacadiyada caruurta .

Sawiro






Maxamed Siciid Ysuusuf
SBC international Garoowe