Hantiille ku raadinaya haweenay uu guursado 5 milyan (Maxayse tahay Shuruudo)

Oraah Soomaaliyeed oo xikmad iyo amakaag salka ku haysa ayaa tiri “Nin Aduunyto joogow maxaa aragti kuu laaban” wax la sheegaaba tan ayaa ugu weyn, waa Maalqabeen u dhashay dalka Shiinaha oo ku raadinaya gabar uu guurado aduun lacageed oo gaaraya 5 milyan oo lacagta dalka Shiinaha ah, kuna dhaw 1 milyan oo doolar, waase hadii ay haweenaydaasi ka soo baxdo shuruudaha qoran ee ninkaasi uu ku xiran haweenayda lacagtaasi calfan doonta ee xaaskiisa noqon doonta.

Xaflad lagu qabtey hotel-ka Garden ee magaalada Guangzhou ee dalka Shiinaha waxaa lagu soo bandhigay baadi goob haween u qalanta maalqabeenkaasi waxaana xaflada loogu magac darey” Multi-Millionaire Seeking Spouses in Ten Cities Show”, Barnaamijka Maalqabeen ka raadinaya 10 magaalo Xaas”.

Qabanqaabiyaasha xaflada ayaa sheegaya in durbadiiba ay heleen 2800 araaji ama dalab ka yimid 320 quruxley dumar, kuwaasi oo dhexda marada ugu xirtey sidii ay ku kasban lahaayeen qalbiga Maalqabeenkaasi ayna ugu noqon lahaayeen Oori ama xaas gacantana ku dhigta lacagtaasi 5-ta milyan ah.

Maalqabeenkaasi waxaa kale oo u balanqaaday qofkii ku guuleysta in uu u soo helo haweenayda uu baadi goobayo uu abaalmarin ahaan u siin doono 50 kun oo Yuan (Lacagta Shiinaha) una dhiganta 8200 doolar.

Laakiin su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay, maxay tahay shuruuda ku horgudban haweenayda indhaha ninkaasi xageeda u soo leexin doonta ee qalbigiisa dhex degi doonta?.

1: In Da’deesu aanay u dhaxeyso 20 ilaa 26 sano.

2: In Miisaankeedu uu ku dhawado 50kg.

3: In dhirirkeedu uu ahaado inta u dhaxeysa 162 ilaa 170cm.

4: In ay tahay qof aqoon leh ama waxbaratey, wax ka badan College.

5: In ay diyaar u tahay nolol qoys balse sheeko iska caato ah aanay la imaan.

6: In ay leedahay muuqaal qurxoon jir ahaa.

7: In aanay qibrad u laheyn dhadhanka nolasha (ciyaaraha siriirta) yacni ay ka tahay bilow oo aanay horey u sameyn.

Maalqabeenku qoraalkiisa shuruudaha uu ku xiran haweenaydaasi wuxuu kaloo soo raaciyey qoraal kooban oo ka sheekeynaya shakhsiyadiisa, isagoo isku sheegay in uu yahay nin horey u soo guursadey balse hada aan xaas laheyn, 50 sano jir ah, maalqabeen ah, jir ahaan dhisan, caafimaad wanaagsan isla markaana xiiseeya ciyaaraha Golf-ka.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com

5 Responses to Hantiille ku raadinaya haweenay uu guursado 5 milyan (Maxayse tahay Shuruudo)

  1. SAMATAR GUULEED CALI says:

    DEE SHURUUDII MEEDAY MEESHA KUMATAAL MISE LAMA YAQAAN WAXAY SHURUUDO TAHAY

  2. oday bari says:

    hidhi dhii halaygu wareego miyaa sheekadu kkkkkkkk saf soo gala waa saas

  3. Abdifatah Azhari says:

    kkk waa khayaali.. dad sxbyaal waxaan yaan la,dim waalin… meday shuruudii.. maal soo bandhigo?

  4. mohamud abdidahir zambia says:

    waxaan u arkaa sheekadaas inaysan waxba kajirin. coz of wax shuruud ah meeshan kumaanan arag.

  5. Fatima says:

    Wa run wax shuruda hadan lagu qorin mesha.it means waxba kama jiran shekada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII