Maamulka & hawlwadeenada hay’adda warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC waxay ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la qaybsanayaan farxada & damaashaadka maalinta qaranka 1-da Luulyo oo ah maalinta xornimada Soomaaliya.

1-da July 1960-kii waxay aheyd maalintii ay xoriyada qaateen gobolada Koonfureed ee dalkeena, isla markaana ay midoobeen gobolada waqooyiga oo xoriyadooda hantey 26 June 1960-kii, isla markaana ay dhisantay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Inkastoo xaalado & daruufo coladeed, qaxooti, khilaaf, burbur & kala googo’o uu ku yimid Jamhuuriyada Soomaaliya, hadana maalinta aad hesho xoriy loo soo maray halgan waxay leedahay xusuus gaar ah, sidaasi awgeed SBC waxay shacabka Soomaaliyeed u rajeynaysaa inay ILAAH ka dulqaado dhibaatada, colaada, qaxa, burburka, dawlad la’aanta, midnimo la’aanta & abaaraha, isla markaana sanadkan sanadkiisa ILAAH inagu gaarsiiyo horumar, dawladnimo, midnimo & barwaaqo.

Hambalyo……………….Hambalyo…………………………….Hambalyo…………………..Hambalyo……………………Hambalyo……