SBC-12
Dhamaan Aqrista yaasha, DHageystayaasha, iyo taageerayaasha Hay’ada warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC meelkasta oo ay ku sugan yihiin dal iyo dibad waxaan halkan uga marineynaa Hambalyada Sanadguurada 12naad ee SBC oo Maanta ku beegan.

Waxan leenahay Nagula dabaaldega, Nabad iyo Caano niyadsan iyo farxad, waxaana idinkaga mahadcelineynaa markasta taageerada iyo garab istaagiina Markasta, Meelkasta iyo Waqtikasta.

Markale Hambalyo Hambalyo Hambalyo.

Maanta deegaanada ay ka howlgasho Idaacada SBC dhamaan waxaa ka baxaya Barnaamijyo iyo Baahin kale oo ku saabsan Sanadguurada Hay’ada warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC, waxaana ay dadweynaha Reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyeed ka qeyb qaadan doonaan fursado ay SBC ugu talagashay in ay hawada isugu mariyaan salaan iyo hambalyo ay SBC u soo jeedinayaan,

Dadka ku xiran Barta Internetka ee SBC Online-na sidoo kale waxaan siineynaa Fursadooda kaga aadan ka qeyb galka iyo la socoshada Barnaamijkaas, anagoo idiin soo bandhigeyna emailo aad fariimo qoraal ah inagu soo gudbin kartaan ,

Ku soo hagaaji Fariimahaaga Qoraal ama cod
Email: sbcsomalia@gmail.com
              sbccodad@gmail.com
Ama     khaalidcayuuni@allsbc.com
Tell:  002525824012