Waxaa ka sii soconaya garoonka wayn ee Mire Awaare Ciyaaraha tartanka Ciyaaraha Dugsiyada Saree ee Deegaanda Puntland waxuuna galay galabta wareegii Semi-finalkii kaasi oo ay isugu soo hareen afara Kooxood oo Galabta kuwada ciyaaray  stadium Mire Awaare.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa wada ciyaaray labada dugsi sare ee Minaaratul-baydaa ee Gobalkaasi Bari iyo Dugsi sare Howd ee Gobalkaasi Cayn waxayna  bilaabatay ciyaartaasi abaare 2:30 Duhurnimo Iyadoona ay  ka  soo Qayb galeen daawashada ciyaartaasi dad boqolaal kor udhaafaya  ku waasi oo ahaa taageerayaasha labada Kooxood  waxayna ciyaartu ahayd midaad u xiiso badan ee ay Koox waliba ku Doonaysay  inay ugu gudubto  wareega Kama danabysta ah.
Kaambiyadii hore ee ciyaarta ayaa ayaa ku soo gabagabowday 0-0 waxaana laysu soo laabatay qaybtii danbe ee Ciyaarat waxayna koox waliba bilowday inay qaado weeraro xoogan oo ay  ku doonayso inay mar uun shabaqa Kooxda kale soo  taabato, waxayna ahayd ciyaartu weerar iyo weerar celis .

Markii la marayay qaybtii danbe ee ciyaarta waxaa u  suurto  gashay inay dhashato gool  kaasi oo niyada u  dhisay  Kooxdii kasocotay Gobalkaasi Bari,Naadigii ka socday Dugsi sare Howd ee Gobalka Cayn waxa ay wax badan isku Dayeen inay iska soo celiyaan gooshaasi lagu leeyahay sia ay ciyaartu utagto gool ku laad kamadanbaysta.
Daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta ayaa kooxdii ka socotay dugs i sare Howd waxayna shabaqa kooxda Minaaratul baydaa ku hubsadeen gool balse waxa ayahayd gool si khaldan u  dhalatay sida ay sheegeen gar Soorayaashii ciyaarta taasi oo sabaabtay inay gabi ahaanbaisaga baxaan kooxdii  kasocotay dugsigaasi ciyaarta..

Ciyaartasi ayaa kusoo dhammaatay 1-0 halkaasi oo ay guushu ku raacaday dugsi sare minaratulbaydaa ee Gobalkaasi Bari.

Ciyaarta labaad ayaa dhex maratay labda naadi ee Dugsiga sare ee Gambool ee Gobalka nugaal iyo Dugsi sare Imaamu nawaawi ee gobalka Karkaar.

Ciyaartaani ayaa ahayd  mid ka xiiso badan ciyaartii ka horaysay  waxaana  hal mar isla qabsaday tarabuunka oo Fadhiyeen taageerayaashu sacab iyo sawaxan xoogan ooa y ku muu jinayaan Taageeradooda.

Ciyaartana ayaa ku bilaabatay si xamaasadaysan waxaana ciyaartu u  muu qanaysay inay labada kooxood si isla mid Ah u maamulayeen walow ay u badanyd dhinaca kooxda imaamu Nawaawi ee gobalkaasi Karkaar .

Markii ay ciyaartu soctay muddo qaqiiqado ah waxaa lagaga naxsaday  shabaqa kooxda Nugaal gool quruxbadan Oo ay dhashteen kooxdii imaamu nawaai qardho waxaana weerar  xoogansoo qaaday Kooxdii Dugsi sare ee Gambool balse waxaa weerarkaasi gaashaanka u daruuray difaaca kooxda imaamu nawaawi qardho ee Gabalkaasi karkaar ,muddo ka dib marlabaad waxaa u suurto gashay kooxdii ka Socotay Gobalkaasi karkaar inay Dhashtaan gool labaad taasi oo meesha ka saartay hamigii kooxda dugsiga sare ee Gambool ee ay kudoonaysay inay ugu gudubto wareega kama danbaysta ah..

Ciyaartaani ayaa ku soo gabagabowday 2-0 taasi oo guushu ku raacaday imaamu-nawaawi  qardho ee Gobalkaasi Karkaar.

Tartanka koobkii 2aad ee dugsiyada sare ee deegaanada puntland ayaa in muddo ah kasocaday magaalada Garoowe Ee caasimada Dowlada Puntland waxaana  wareega kama danbaysta ah isugu soo haray Dugsi sare Minaaratul-Baydaa ee Gobalkaasi Bar iyo Imaamu nawaawi Karkaar. 

DAAWO SAWIRADA

Yusuf Maxamed Maxamud (Yuusuf Yare)
SBC International Garoowe, Nugaal