Wilaayada  gobolka galgaduud ee shabaab Sheeq Yuusuf Sheekh Ciise (kaba-kutukade)ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkii ay dhawaan xarakada shabaab ku qaadeen Degmadda dhuusamareeb ee galgaduud isagoo xusay in ay waajib tahay la dagaalanka kooxo uu ugu yeeray mushrikiin qabuuro-caabudah waa sida uu hadalka u dhiga kuwaa oo saacado kooban gacanta ku hayay degmadaasi kadibna si iskood ah uga baxay isla habeenimadasi..
 
“Mushrikiin sheegay inay kacbadda usoo rareen gobolada dhexe sida dhuusamareeb iyo caabudwaaq ayaa halkaa joogay maxay u difaaci waayeen hadey run sheegayaan “ayuu yiri kabakutukade oo xalay u waramayay idaacada ku taal magaalada Muqdisho.Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in wadadkii ugu sareeyay ahlu-suna iyo kuxigeenadiisii ay orod ku galeen Itoopiya isla markaana ay kala soo wareegeen keydad hub ah oo ay lahaayeen kooxaha uu u yaqaano mushrikiinta ee ku caan baxay weyneynta ALLE iyo  Maxabadda Rasuulkeena Muxamad NNKH sida uu sheegay.
 
“Hadeysan ka towbad keenin Dambiga ay galeen waxay la kulmi doonaan ciqaabta ALLE  ka sokow tan mujaahidiinta  waana ku laaban doonaa waqtiyo kale “ayuu ku hanjabay Kaba-ku Tukade oo hadalo meel ka dhac ah u geysatay Qaar ka tirsan culumadda ahlu-suna al jameeca.
 
Dhanka kale mas’uuliyiin u hadashay ahlusuna ayaa wacad ku maray inay markooda soo taabaoonaan deegaanada ay joogaan kooxaha shabaabka sida degmooyinka Ceel-buur iyo Ceel-dheer.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:0025261-5573321
00252699995088