Hadalheynta ugu badan oo noqotay soo magacaabista raiisul wasaaraha Cusub

Waxaa siweyn isha loogu hayaa oo umada Soomaaliyeed wada sugeysaa Cida uu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof Xasan Sheeq Maxamuud u magacaawo Raiisul wasaaraha Dalka Soomaaliya.

Waxaa soconaya sida uu qalabka warbaahinta  u sheegay Madaxweynaha cusub Wadatashiyo balaaran oo ku aadan shaqsiga ku haboon xiligan jagada Wasiirka koobaad ee Xukuumada Aan Kumeelgaarlka aheyn ee Soomaaliyeed.

Inkastoo ay jiraan warar Farabadan oo la isla dhexmarayo goobaha lagu shaahiyo dhamaan geyiga Soomaaliya ayaan hadana la xaqiijin karin ilaa iyo iminka shaqsiga ugu cad cad ee loobadin karo in uu noqdo Raiisul wasaaraha dalka.

Waxaad ku arkeysaa magaalooyinka waaweyn goobaha la isugu yimaado in hadal heynta ugu badan ay tahay ka dhursugida qofka uu soo wado madaxweynaha cusub ee Soomaaliya kaas oo noqonaya raiisul wasaaraha soo dhisi doona xukuumadiii ugu horeysay ee aan aheyn Kumeelgaar.

Waxaa ay kuusheegayaan dadweynaha Soomaaliyeed in ay aad u rajeynayaan in madaxweyne Xasan Sheeq uu soo magacaabo nin sida isagoo kale ku cusub dhegaha iyo siyaasada dalka Soomaaliya kana soo jeeda dadka aqoonta u leh dalka lana jaanqaadi kara xaaladwalboo ku timaada.

 

Daalacatey :1195

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print