Ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan geerida Osama Bin Ladin waxaa siyaabo kala duwan uga hadley madaxweynayaasha & hogaamiyeyaasha caalamka.

Madaxweynaha Mareykanka

 “Maanta iyadoo lagu socdo amarkeyga Mareykanku waxay qaadeen hawlgal, waxay dileen Osama Bin Ladin iyagoo qaaday meydkiisa, waa maalin u weyn dadka Mareykanka” ayuu yiri Barack Obama

Ra’isalwasaraha Pakistan.

Ra’isalwasaaraha Pakistan Yousuf Raza Gilani ayaa soo dhaweeyey dilka Bin Ladin waxaana uu yiri “Marna uma ogaaln doono in ciideena ay adeegsadaan argagixisada shisheeye, tani waxaan hubaa inay tahay guul weyn, waa guul aan ugu hambalyeynayo hawlgalkan.

We will not allow our soil to be used against any other country for terrorism and therefore I think it’s a great victory, it’s a success and I congratulate the success of this operation.

Madaxweynaha Pakistan Hamid Karzai

“Dilka Bin Ladin waa mid muhiim ah, waa war aad u wanaagsan, Taalibaaniyiintu waa inay joojiyaan dagaalka ay wadaan, waana inay tani ku cibro qaataan” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Afgaanistaan Hamid Karzai.

Madaxa Hamas ee Gaza

Hogaamiyaha ururka Hamas ee reer Falastiin ee Gaza  Ismail Haniyeh ayaa isna ka hadley dilka Bin Ladin waxaana uu yiri

“Aad ayaan u cambaareynaynaa dilka dagaalyahanka barakaysan ee Carabta, waxaana ILAAH uga baryeynaa in uu u naxariisto”.

“Shahiidiintu waxay rumaysan yihiin inay ku dhintaan shihiidnimo, waxaana ku celinayaa in tani ay ka mid tahay siyaasada Mareykanka ee ku saleysan daadinayo dhiiga Carabta & Muslimiint” ayuu hadalkiisa ku darey Haniyah.

Xukuumada Falastiiniyiinta

Ghassan Khatib oo ah afhayeenka xukuumada Falastiiniiinta ayaa isna ka hadley dareenkiisa ku aadan geerida Osama Bin Ladin waxaana uu yiri “In laga taqluuso Bin Ladin waa mid u wanaagsan nabada caalamka, laakiin waa in la helaa waxa keenay imaanshaha xaaladahaasi, ay ku xoogaysanayaan fikradaha colaadeedee Bin ladin.

Ra’isalwasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu

Ra’isalwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu wuxuu ku tilmaamay dilka Bin Ladin guul xoriyada & cadaalada u soo hoyotey, waxaana uu sheegay in taasi u oo hoyotey shucuubta dimuqraadiga ah ee garab ka garab isku qabsanaya si ay u jabiyaan argagaixsada.

Benjamin Netanyahu waxaa kale oo uu sheegay in Israel ay dadka Mareykanka la qaybsanayso farxada ku aadan qaarijinta Bin Ladin.

Ra’isalwasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi

Ra’isalwasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa ka hadley dilka Bin Ladin waxaana uu yiri

“Tani waa wax weyn oo ka soo baxay la dagaalanka shaydaanka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waa talaabo ka soo baxdey waxqabadka Mareykanka & dhamaan shucuubta aaminsan dimuqraadiyada”

George W. Bush

Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush ayaa yiri “Guushan taarikhiga ah waxay muujinaysa guusha Mareykanka, dadka raadinaya nabada ee aduunka daafahiisa jooga iyo dhamaan dadkii la jeclayaashooda ku waayey weerarkii dhacay September 11 , 2011.

“Dagaalka ka dhanka ah aragagixisada waa mid sii socon doona, laakiin caawa Ameerica waxya dirteay fariin aan qalad aheyn si kasta iyo waqti kasta oo ay qaadatey, cadaaladii way dhacdey” sidaasi waxaa yiri George W. Bush.

Ra’isalwasaaraha British-ka

David Cameron wuxuu yiri “Osama bin Laden wuxuu masuul ka ahaa weeraradii argaghixiso ee aduunka ugu xumaa ee la arko, sida kii 9/11 oo ay ku dhinteen kumaan kun oo qof oo ay ka mid ahaayeen muwaadiniin British ah, waa guul aad u weyn hadii la helay, mana jiri doonto in aduunka mar dambe uu ku faafiyo fikradihiisa aragagixisada ah.

“Warka geerida Osama Bin Ladin wuxuu u horseedi doonaa inay neeftu ka soo fuqdo dadka aduunka ku dhaqan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey David Cameron.

 Xukuumada Hindiya

Wasiirka arimaha gudaha ee xukuumada Hindiya P. Chidambaram wuxuu yiri “ waxaan u qaadan doonaa si qoto dheer warbixinta Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uu bixiyey ee ah in la dilay Bin Ladin kaasi oo lagu diley weerar ka dhacay Abbotobad oo ku taal gudha Hindiya”
 
“Tani waxay muujinaysaa in xoogaga argagixiso oo kala duwan ay ka hawlgalaan gudaha Pakistaan” ayuu yiri P. Chidambaram

Dawlada Faransiiska
Wasiirka arimaha dibada Faransiiska Alain Juppe  wuxuu yiri “Dhimashada Bin Ladin waa guul u soo hoyotey dadka u dagaalamaya dimuqraadiyada isla markaana waxayna araxda ka jabinaysaa argagixisada”.

Xukuumada Jarmalka

 Ra’isalwasaaraha Jarmalka Angela Merkel – German Chancellor

“Xaley ciidamada nabada waxay gaareen guul, laakiin taasi macnaheedu ma ahan in ay dhamaatey argagixisada caalamiga ah wali si fiican uma aanay jabin, waana inaan is ilaalinaa”.

Filipiin

Madaxweynaha wadnaka Filipiin Benigno Aquino waxay tiri “Dhimashada Bin Ladin waxay tusaale u tahay sida sida ay jabeen ciidamada argagixisada & xagjirnimada”

Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha dawlada FKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan weerarka lagu diley Bin Ladin waxaana uu sheegay in uu kuy faraxsanahay isagoo sheegay in Bin Ladin uu masuul ka ahaa qaska ka taagan Soomaaliya.

Gaashaanbuurta NATO

“Tani waxay waa guul muuqata oo ay gaareen ciidaamda gaashaanbuurta  NATO & iyo shucuubta isku bahaystey la dagaalanka argagixisada si aduunku u noqdo mid nabad qaba oo aynu ku nabad galno” sidaasi waxaa yiri Anders Fogh Rasmussen xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO.

Madaxweynihii hore ee Pakistaan Perves Musharaf

Madaxweynihii hore ee wadanka Pakistaan Gen. Perves Musharaf ayaa ku tilmaamay weerarkii lagu diley Osama Bin Ladin in uu ahaa mid xadgudub ku ah qaanuunka caalamiga ah ee xuduudaha isagoo sheegay in ay tahay xadgudub in Mareykanku ay weerar caynkaasi ah ka fuliyaan wadanka Pakistaan iyadoon wax war ah aanay ka hayn xukuumada wadankaasi.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com