Casha sharaf aad loo soo agasimay oo jaaliyada PDF ee dalka Norway u samaysay Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo booqsha ku jooga dalka Norway maalmahii ugu danbeeyay,

Cashadaan ayaa waxaay ahaayd isbarasho maamulka Jaaliyada iyo Siyaasi Cali Cbdi Awaare waxayna xubnaha Jaaliyadu soo bandhigeen waxqabadkii ay qabteen iyo waxyalaha soo socda oo aay qaban doonto jaaliyadu.

Cali Abdi Awaare oo horay xilal kala duwan oo heer wasiira kasoo qabtay dawlada Puntland waxuuna ahaa shaqsiyada loogu jecel yahay ee xilalal kala duawan kasoo qabtay dawlada Puntland .

Mudane Awaare ayaa   waxuu ahaa wafuudii dhawaan gaaray dalka turkiga kana mid ahaa saxiixayaashii shirkii Turkiga u matalayay dawlada Puntland.

Cali Cabdi Awaare  ayaa aad iyo aad u mahadnaqay casha sharafta aay jaaliyada Puntland Diasparo Forum ee dalka Norway u samaysay, waxuuna siyaasigu  ku gubaabiyay inaay hawshooda halkaas kasii wadaan ilahayna lagarab galo masuuliyada balaran ee ay jaaliyadu u hayso dadka reer Puntland dal iyo dibadba.

Siyaasi Cali Cabdi Awaare ayaa dhamaan waxgaradkii goobtaas fadhiyay iyo maamulka jaaliyadaba kula dardarmay inaay tahay midnimadu muqadis dadkana laysku keeno oo lamideeyo meelkastoo lajoogo waana mida kaliya ee horumar lagu gaari karo ayuu yiri Cali Cabdi Awaare.

Gabagabadii iyo gunaandkii kulankii casha sharaftaa ahaa ayaa waxuu kusoo idlaaday jawi quruxbadan oo farxadii ku dheehantahay.

Sawiro













Afhayeenka Jaaliyada Puntland Diasparo Forum

Ciiro Ahmed Hassan

dr ligle