Waxaa  maanta tababar uga furmay xarunta haay’ada PDRC ee magaalada Garowe  agaasimayaasha wasaaradaha Puntland .haayadaha dowliga ah iyo gudiga doorashooyinka Puntland  kaasi oo ku saabsanaa habka dhaqaalaha loo maamulo  ayana waxaa fulinaysa hayaada NDI(National Democracy Institute  )oo Puntland kala shaqaysa dhanka dibmuqraadiyada

Wasiiru dolaha dastuurka iyo arimaha fedelka ee Puntland  Cabdi Xasan Jimcaale oo xafiiskiisu soo qabanqaabshay tababarkan isaga oo gacan ka helaya haayada EDI  ayaa furitaankii tababarkan waxaa uu warbaahinta uga warbixiyey muhiimada tababarka noocaan ah puntland uleeyahay,

Waxaanu sheegay in uu yahay tababarkii laabaad oo la qabto laakiin markan lagu soo daray gudiga doorashooyinka , waxaana uu intaa ku daray in waxbadan laga faaidi doono marka uu dhamaado waxaana uu raaciyey oo kula dardaarmay dhamaan ka qayb galayaashii in mudo uu socondon oo sadex bari ay ilaaliyaan wakhtiga si ay uga faaidaystaan tababarkan muhiimada uleh Puntland ee ay nasiibka uyeesheen in ay ka qay galaan

Waana markii labaad oo ay haayadan tababar uqabanayso agaasimayaasha dowlada iyadoo hada ka horna u qabtay mid ku saabsan maamul wanaaga.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe