Ha’yada Hormarinta waxbarashada ee Marka Maceeda la soo  gaabiyo loo yaqaan EDC ayaa maanta ku soo bandhigtay Xaflad balaran oo ay ku qabatay Hoolka shirarika ee Ha’yada PDRC ee Magalada Garowe Buugaag ay ka qortay tayanta Macalimiinta iyo Ardayda kuwaas oo ku dheehnaa hab sugaaneed iyo dib u soo noolaynta afka  Somaliga si lo helo Akris badan iyo qoral dhanka waxbarashada.

Inta ay socotay soo bandhigudu waxaa ka hadlay Masuuliyiin ka kala socday Maamulka Puntland Ha’yada EDC iyo Macalimiin si ay goob jog uga noqdaan  Barnaamijkaan oo dirada lagu  sarayey hormarinta akhriska iyo qoraalka Ardayda.

Khadro Bashiir Cali waa sarkaag ka tirsan Ha’yada EDC waxaa ay sharaxaad ka bixisay  ujeeddada kulankanai ay ha’yadu u qabtay iyo muhiimada uu leeyahay akhriska iyo qoraalka ardaygu in uu kor u qadayo waxabrashada   waxaana ay intaas ku dartay in loo baahanyahay in arday lagu barbariyo afkooda hooyo isla markaan ay haayada EDC markasta utaagantahay tayeynta wax barashada iyaga muhiimada siinaya akhriska iyo qoraalka oo ah tiirka kowaad ee waxbarashada laga bilaabo.

Wasirka waxbarashada Puntland Cabdi Farax Siciid Juxa oo Barnaamijkaan looga hadlayey akhriska  iyo qoraalka Afka Somaliga hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu u yahay Asaska kowaad  qoralka   iyo akhrisku waxbarashada

Ayna wasaarada waxbarashadu ku howlanthay tayeynta afka iyo dhaqanka uuna uga mahad celinayo haayada EDC sida ay diyaar ugu yihiin in kor u qaadaan wax barashada.

Marka laga yimaado qoralka iyo akhrinta Ardayda waxaa jira Macalimiin wax ka dhiga Dusgiyada ku yaal Puntland kuwaas oo aan u tababarnayn in ay waxbaraan Caruurta una sii dheertay khibarad yaraan sidaa uu sheegay mar kale wasirka waxbarashada Puntland  waxaana uu wasiirku intaa ku daray in wasaarada waxbarashada dhibka ugu wayn ka haysto khibrad yarida macalimiinta oo ay doonaayaan in noqdaan macalimiin utababaran waxbarida ardayda ayna ku dadaalidoonan in ay kor uqaadaan khibrada macalimiinta Puntland

Barnaamijkaani inta uu socday waxaa lagu soo badnhigay qudbado ay soo jeediyeen qoraayo Somaliyeed oo ka hadlay dhibaatada ugu badan ee uu u lumay afki Somaliga, hadana lagu jiro sidii dib loogu soo celi lahaa iyagoo tusale u soo qaatay meesha kaliya ee lagu soo celin karo in ay tahay waxbarashada iyada oo ardayda wax lagu baro afkooda hooyo laguna barbaariyo dhanka suuban ee Soomalida.

Sawiro



Wasiirka Waxbarashada Dowlada Puntland

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe