In kabadan afar boqol oo qoys kana soo barakcay koon furta somaliya  iyo dad dan yar ah oo ku jira tobon kaam oo ku yaal  Magaalda Garowe ayaa maanta deeq lacageed oo gaaryasa  lixdan dolar qof kiba ugu deeqday Ha’yada NCA.

Boqolaalkaan qof oo isugu yimid  Xarunta Dowlada Hoose oo lagu gudoonsiinayey deeqdaan lacagta ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay oo uga warbixiyay dadka waxaa la siinayo Masuuliyin ka kala socday Maamulka Degmada iyo Ha’yada NCA oo deeqdaan lacagta u qaybinasyay.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Garowe  Maxamed Xamari  oo ka hadlay goobta ayaa ku amanay ha’yada NCA u qaybinta lacagahan oo ay u bahan yihin dadka Barkacayasha ah oo uguna baqay in ay mujiyaan ha’yadaha kale ee Gobolka ka shaqeeya ku dasho caawin dad masaakina.

Madaxa Ha’yada NCA Yusuf C/qaadir Xaji Xirsi oo isna ka hadlay ayaa sheegay in uu barnamijkaani  yahay mid ay ugu tala galeen dadka barkacayasha ah ee  ku nool xeryaha qaxootiga ee Magalada Garowe, oo uusan ahayd mid  intaasi ku eg.

Dadka lacagta la siiyay oo  sbc international la hadlay ayaa u sheegay dareenkooda ugana mahad celiyay cidii ka shaqaysay  barnaamijkaani.
Daawo Sawirada

 C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe