kulan wada tashiah oo muddo afar cisho ah uga socday wakiilada daladaha aan dowliga ahayn ee PUNSAA kaasi oo ka  soconayay hotel newrays ee magaalda Garoowe Loogana hadlayay arrimo laxiriira dimuqraadiyada  ayaa waxa ay gabagabadii shirkaasi ka soo saareen baaq nabadeed  oo ku aadan colaadaha ka soo Cusboonaaday  deegaano hoostaga  Gobalkaasi Bari taasi oo u dhaxaysa laba beelood oo walaaloah oo wada daga deegaano hoos taga Dagmada Ufayn kuwaasi oo Horay colaadi halkaasi ugu dhex martay.

Shirkaani ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiilo ka kala socday 8Gobal ee deegaadna puntland  waxayna dhammaantood walaac xooganka muujiyeen cawaaqib xumada ka dhalan karta  khatarta colaadahaasi iyo saamaynta ay kuyeelankarto mustaqbalka dhow bulshada qaybaheeda kala gadisan ,PUNSAA ayaa  ka soo saartay arrintaani Baaq nadeed ka kooban sideed{8} qodob waxayna u dhignaayeensidaan

1-Insi shuruud la’aanahoo dagdag ahloo joojiyo xabbada iyo colaadaha soonoqnoqonaya ee u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee wada daga  gabalkaasi bari Gaarahaan Dagmooyinka ufayn iyo Boosaaso,kuwaasi oo  dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee colaadeed  ay ka dhaceen shalay iyo  xalay magaalooyinka Boosaaso iyo Kob-dhaxaad Ee Dagmada ufayn, Halkaasi oo  dad aan waxba galabsan loogu gaystay dil iyo dhaawac.

2-Ururada aan dowliga ahayn waxay erayada ugu culus ku can baaraynaynaa falalkaas coaladeed ee nasii  darada ah ,iyaga ooka xun xad gudubyada kadhashay Colaadaasi hubaysan ,sida dilkaiyo dhaawaca loogaystay muwaadiniin aan hubaysnayn oo rayid ah aana waxba galabsan iyo nabad galyo xumada iyo xasiloono Daradqalaga dhex abuuray dadka dagan deegaanda colaadu kataagan  tahay.

3-Ururaa aan dowliga  ahayn ee puntland waxay kacodsanayaandowlada puntland in ay tallaabada uga aadan ee waajibka ah ay ka qaadato dagdag u joojinta colaada Taagan iyo hir galinta  xabbada joojin dhaqso  lagu gaaro.
4-Waxay qaylo dhaanu dirayaankuna boorinayaan isimada,Nabadoonada iyo sama jeclaha  puntland inayu istaagaanqaboojinta iyo xallinta  colaada taagan.

5-Ururada aan dowliga ahayn waxayuarkaansii socoshada acolaadaan ka dhexal aloosanbeelahan walaalaha  ah midhalis waynkuah amniga ,Nabada,wada noolaanshaha Iyomid nimada dadwaynaha puntland oo ku caanbaxay walaalnimo,Ehelnimo, wadanoolaansho ku dhisan is xaq dhowr ,iskaashi ,nabad jacayl iyo midnimo. colaada Taagana waa mid dhabarjabinaysa dhaqankaa nabadeed ee bulshada puntland caanka ku  ahayd .

6-in latix galiyo heshiisyadii nabadeed ee ay horay ugugaadheen  labada beelood ee colaadu dhextaal.

7-Haddii ay sii socoto colaada colaadda socota waxaan ka digaynaa in ay imaan karto khatar wayn oo soo wajahda amnigaguud ee deegaanda puntland,iyo dhaawac Gaara wada jirka iyo horumarka ay ummadu  ku taamayso.

8-Ururada aan dowliga ahayn ee puntland waxa ay diyaar uyihiin inay kaalin hor muudnimo oo ficil ah kaqaataan joojinta iyo dhammaynta colaada.

Baaqaan nabadeed ee ay soojeediyaan ururada aan dowliga  ahayn ee Puntland ayaa ku soo  aadaysa iyo ay markale colaado xooganidib ugasoo cusboonaadeen Deegaano hoostaga gobalkaasi bari kuwaasioo u dhaxeeya beelo walaalo ah oo wada daga halkaasi.

DAAWO SAWIRADA KULANKA

 

Yuusuf Maxamed Maxamud (Yuusuf Yare)
SBC International Garoowe