Dowlada Guatemala ayaa ka hadashay qaabka uu u dhacay Dilka mid kamid ah Fanaaniinta ugu caansan qaarada Laatiin Amerika,kaasi oo la dilay xili uu kasoo baxay Hotelkiisa kuna wajahnaa Garoonka diyaaradaha.

Sarkaal u hadlay Dowlada  Guatemala ayaa sheegay in weli ay baaritaan wadaan,iyadoona haatan Natiijada Baaritaano horu dhax ah ay sheegayaan in Aanu ujeedka Dilka ahayn Facundo Cabral.

Sarkaalku waxaa uu sheegay in Marka uu dhacayay Dilka Cabral uu dhinac socday Musikyahan la safrayay,kaasi oo ahaa ujeedka Kooxaha dilka gaystay.

Madaxweyanaha Guatemala Alvaro Colom ayaa sheegay in uu ahaa dilkaasi mid laga xumaado,iyadoona cambaarayn uu dusha uga tuuray kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

Alvaro Colom waxaa uu mudo Sadex Maalin ah uu sheegay in ay u baroordiiqayaan Fanaanka 74 sano jirka ah ee u dhashay Argentine Facundo Cabral.

Dilka Facundo Cabral ayaa dhacay wakhti uu kasoo baxay Hotelkiisa Magaalada Guatemala City iyadoona uu ku wajahnaa Garoonka Diyaaradaha ee isla Magaaladaasi,waxaana uu u safrayay Dalka  Nicaragua.

SBC International Monitoring