Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho casho sharaf ugu sameeyey wafdi ka socda Baarlamaanka Carabta oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Maxamed Jarwaan, wafdigaasi oo booqasho rasmi ah ku jooga
magaalada Muqdisho.

Casho sharafta oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Gudoomiyeyaasha Gudiyada Joogtada ah Baarlamaanka Soomaaliya, Wafdiga ka socda Baarlamaanka Carabta,safiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala tirsan labada Gole ee Dowladda.

Ugu horeyn Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda casho sharafta aheyd oo ka dhacday guriga Martida ee magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn waxa uu tilmaamay iney sharaf weyn u tahay Gudoonka iyo Baarlamaanka Soomaaliyaba iney magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyaan wafdigan ka socda Baarlamaanka carabta waxaana uu Xusay Mudane Jeeylaani in talaabadani ay bilow u tahay xiriirka iyo wada shaqeynta adag ee Baarlamaanka Soomaaliya uu la yeelanayo Baarlamaannada Caalamka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna dhankiisa khudbad kooban ka jeediyey Munaasabadda casho sharafta aheyd ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta iyo Xildhibaannada Carbeed ee la socda socdaalka ay ku joogaan magaalada Muqdisho waxaana uu
Gudoomiyuhu xusay iney tahay tani taariikhda markii ugu horeysay oo Wafdi ka socda Baarlamaanka Carabta oo uu hogaaminayo Gudoomiyahooda Baarlamaanka ay Soomaaliya amaba Muqdisho yimaadaan.

“isweeydiin malahan iney Soomaaliya u baahantahay walaal maanta si dhab ah ugu duubta oo la gala halganka iyo hayaanka aynu ku jirno ee aynu dib ugusoo celineyno sharafta,dowladnimada iyo karaamada Umadda Soomaaliyeed, waxeynu yeelanay wadahadallo kooban waxaana howsha aynu ku jirno ay tahay sidii aynu wada shaqeyn adag ula yeelan laheyn dhammaanba Baarlamaannada Caalamka” ayuu ku yiri Khudbadiisa Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Maxamed Jarwaan oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoonka Baarlamaanka, xildhibaannada iyo shacbiga Soomaaliyeed sida weyn ee loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho waxaana uu xusay in hada ay indhahooda ku arkeen hormar baaxad leh oo ka jira Soomaaliya kaasi oo ku yimid hormarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay waxaana uu dhanka kale xusay iney ka go’antahay sidii ay walaalahooda Soomaaliya u garab taagnaan lahaayeen.

Wafdigan ka socda Baarlamaanka Carabta ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda ayaa magaalada Muqdisho ku jooga booqasho rasmi ah taasi oo ka dambeysay kadib markii ay casuumaad u fidiyeen Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta iyo Wafdigiisa ay saakay oo Sabti ah booqan doonaan xarunta Golaha Shacabka ayaga oo Xildhibaannada Baarlamaankana la hadli doona.

SAWIRO
DSC00054 DSC00057 DSC09947 DSC09950 DSC09955 DSC09957 DSC09967 DSC09991
—-DHAMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya