Waxaa mantay  dib  magaalada Boosaaso ugu soo laabtay gudoomiyihii hore ee gobalka Bari  Muuse Geele Faroole isagoo mudo ku maqnaa  dalka Yamen, Waxaana garoonka diyaardaha ee Magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyay  dadwayne farabadan masuuliyiin ka socda  gabalka Bari,

Muuse ayaa markii uu garoonka ka soo dagay  wax uu halkaa kula hadlay saxaafada isgoo sheegay in uu mudo dalka ka maqnaa  uuna dalka ugu soo laabtay hawlo isaga u gaar ah, waxaana uu sheegay in uu u maqnaa arimo ganacsi & arimo kale.

Mar ay saxaafadu waydiisay in uu madax waynaha Puntland uu  u yeeray, ayaa u sheegay in uusan madaxwaynuhu u yeerin ee uu u yimid dano kale oo ka mid ah in dalkiisa uu jecelyahay.

Sidoo kale wax ay saxaafadu waydiisay hadii laguu dhiibo gudoomiyaha gobalka ma qabanaysaa? isagoona ku jawaabay  “Haa wan qaban shalay waa layga qaday maantana hadii la ii dhiibo wan qaban”

Waxaa kaloo uu ka hadlay arimaha amniga oo uu sheegay in uu san maamulku qaban karin haday shacabku la shaqaynin,  waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka markana uu muumalku wax qabanyo

Sidoo kale waxaa la waydiiyay maamul gobaleedka laga dhisay gobalka Bari, “wax caqli gala ah ma aha wayo Puntland ma kalago’i karto  waxaana arinkaa ku fakaray qof aan muwaadin ahayn” isgoo sii raciyay in maamulada Soomaaliya laga dhisayo ay soomaaliya sii bur burinayaan isgoo sheegay in badankooda lagu dhisay dalka dibadisa ayna dhiseen  dad an Soomaaliya wax ka ogayn.

Ugu danbayntii waxa uu Soomaalida oo dhan ugu baaqay in ay dantooda ka shaqayan lana shaqeeyan cid walba oo dantooda wada,  reer Puntlandna ay ka shaqayaan dantooda lana shaqayan dowlada si loo helo amni sugan.

Imaanshaha gudoomiyii hore ee gobalka bari ayaa wax ay ku soo aadeysaa xili gobalka Bari uusan lahay gudoomiye Maamula .

Daawo Sawirada

Axmed Maxamuud Axmed
SBC Internationla- Boosaaso