Magaalada Muqdisho caasimada dalka Maanta waxaa ku geeriyooday alaha u naxariistee Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.

Maxamed Dheere ayaa la sheegay in uu maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanaa isbitalka Xalane ee magaalada muqdisho.

Inkastoo aan si rasmi ah aan loo xaqiijin xanuunka uu u geeriyooday Maxamed dheere hadana waxaa ay xaqiijinayaan saraakiisha caafimaadka in mudooyinkii ugu dambeeyay uu la liitay xanuunkaas.

Maxamed Dheere waxa uu ka mid ahaa gudoomiye yaashii soo maray maamulka gobolka banaadir ee caasimada Soomaaliya ay ku taalo  xiliyadii dowladii ku meel gaarka aheyd, waxaana  sidoo kale uu ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii dalka ka jiray mudadii ka dambeysay dhicitaankii dowladii Maxamed Siyaad Barre.