Allaha U naxariistee Axmed maxamed Yuusuf waxa uu ahaa nin tariiq ku leh gobolka gedo oo xilka gudoomiye nimada kazoo kala qabtay degmooyinka waqooyi ee gobolkaasi ee Doolow iyo Baled-Xaawo.

Axmed maxamed Yuusuf burkuus waxa uu ku dhashay meel 17 kilo mitre u jirta degmada Baled-Xaawo oo lagu magacaabo burkuus wuxuuna dhashay sanadii 1954.

Allaha u naxariistee burkuus waxbarashadiisii wuxuu ka bilaabay degmada luuq ee waqooyiga gobolka Gedo halkaa oo ku qaatay waxbarashada ilaa dugsi sare waxaana waxbarashadiisa jaamacadeed  waxa uu bilalabay sanadku marka uu ahaa 1976 waxa  uu ka galay magaalada muqdisho ee xarunta umada somaaliya wuxuu dhigtay kuliyada siyaasada ee xalane waxaana uu dhiganayay mudo sanad ah.

Kadib 1980 waxa uu madaxa siyaada uu  ka noqday degmada qoryooley ee ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose kadib 1984tiina waxa uu noqday Gudoomiyaha degmada doolow markii ay burburtay Dowladii dhexe somaaliya sanadii 1991dii  waxaa uu  taar ku lahaa degamada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wixii ka danbeeyay burburkiina sanadii 2005 wuxuuna Gudoomiyaha ka ahaa  degmada Baled-Xaawo waxaana  lagu xasuusto burkuus inuu dib usoo celiyay nabada degmadaasi oo aheyd ka hor inta uu san Gudoomiyaha ka noqon meel Colaadeed oo xili walba la isku dillo qaab biileyd wuxuuna noqday Gudoomiyihii ugu Horeyay ee Magaalda Dhexmara isagoon cidna waardiyeeneyn sidoo kalana wuxuu xiriir wanaagsan la yeeshay dowlada dariska sida maamulada mandera iyo suuf oo Baled-Xaawo jaar yihiin waxeyna kuwada noolaayeen nabad iyo daris wanaag.

Sanadka markuu ahaa 2008 ayaa waxa ay ka qaadeen maleeshiyadii shabaab gudoomiyenimadii degmadaasi oo ay ku wareejiyeen nin lagu magacaabo Aadan Nuux oo ka tirsanaa maleeshiyada AL-Shabaab.

Xaqiiqdii allaha u naxariistii Axmed Maxamed Yuusud Burkuus oo maanta ooy tariikhdu tahay 5/10/2011  kooxo afka soo duubatay ay ku dileen bartamaha magaalada  Baled-xaawo waxey dadku wada qireen inuu ahaa nin bashaash oo wadani ah hadaana cibaado badan oo salaadihiisa ku tukado masaajida waxaana uu ahaa nimey u siman yihiin dhamaan bulshada midkiisa yar iyo kan weynba.

SBC International Monitoring