Wararka Ka imanay amagaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa maanta gaaray gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliay Maxamed shekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu horkacayo.

Jawaari iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn diiran loogu sameeyay  Garoonka diyaaradaha cadaado, waxaana isugu soo baxay shacab iyo masuuliyiin

Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen iyo Wasiiro kale ,Mmasuuliyiinta Maamulka Ximan Iyo Xeeb ,maamulka Gobalka Galgaduud ayaa gudoomiye Jawaari ku soo dhaweeyay garoon diyaaradeedka ku yaala degmadaasi Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Ujeedka Gudoomiye jawaari uu u tagay Cadaado ayaa lagu sheegay in ay tahay ka qeyb galka dhaarinta xildhibaanada baarlamanka maamulka lagu aasaasayo Cadaado kuwaas oo shalay lagu dhawaaqay.

Waa markii ugu horeysay uu gudoomiyaha Baarlamanak soomaaliya Mr  Jawaari tago degmada Cadaado ee uu ka soconayo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka

DHAGEYSO Wareysi Aan la yeelannay Wariye Yuusuf Cabdi Shire oo Safar sharo ku jooga Cadaado