Madasha ay kadhacaday doorashada Gudoomiyaha golaha Deganka Boosaaso iyo ku xigeenkiisa ayaa ahayd hoolka shirarka ee madaxtooyada magaalada Boosaaso .

Waxaana munaasabadaasi kasoo qaybgalay masuuliyiin badan oo kasocday xukuumada Puntland oo ubadnaa wasiiro, waxaana wasiiradaasi kamid ahaa wasiirka arimaha gudaha iyo dawladaha Hoose ee Puntland, wasiirka amniga Puntland wasiirka Dekadaha iyo Gaadiika bada Puntland, wasiirka Maaliyada  iyo masuuliyiin kale oo kascda Dawlada Puntland iyo marti sharaf kale .

Munaasabadii maanta lagu dooranayey gudoomiyha Degmada Boosaaso iyo kuxigeenkiisa waxaa kasoo qayb galay 26 mudane oo katirsan xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Boosaaso, waxaana madashaasi kamaqnaa 3 mudane oo katirsan xildhibaanada degmada Boosaaso .

Xilka Duqa Degmada Boosaaso waxaa u sharxnaa labo mudane oo kala ah C/duqaadir Yuusuf Daahir iyo Xasan Cabdalle Xasan sidoo kale waxaa kuxigeenka u tartamayey Siciid C/diraxmaan Maxamad oo Keliya.

Intaasi kadib ayaa waxaa laguda galay soo bandhigida taariikhda iyo waxqabadka ay rabaan masuuliyiintu in ayqabtaan.

C/duqaadir Yuusuf Daahir oo ahaa musharax u tartamayey jagada Duqa degmada Boosaaso ayaa waxa uu bilaabay in uu akhriyo taariikhdiisa iyo waliba waxa qabadkiisa isgoo waxqabdikiisa u badi yey dhanka amaanka Boosaaso iyo soo celinta bilicda, markii uu dhameeyay taariikhdiisii iyo wax qabdkiisii ayuu shaaca ka qaaday in uu isaga tanaasulay in uu xilkaasi u taratamo ,

Sidoo kale waxa isna sidii caadiga ahayd goobta ka aqriyey wax qabdkiisii Xasan Cabdalle oo sheegaya in uu wax badan ka qabanayo amaanka magaalada Boosaaso iyo walib soo celinta bilicda magaalada Boosaaso wuxuu  sidoo kale sheegay in wax ka qabanayo arimaha bulshada sida caafimaadka waxbarshada iyo wixii lamid ah

Inataa kadib waxaa laguda galay in xubanaha golaha deegaanku ay codka siiyaan iyo in kale musharaxa jagada gudooomiyaha degmada Boosaaso ,

kadib tirintii codadka waxaa lagu dhawaaqay natiijada, waxaan ku dhaaqay wasiirka arimaha gudaha dawlada Puntland C/lahi Jaamac ilka jiir wuxuuna sheegay in uu Xasan Cabdle uu helay codad gaaraya ilaa 26 cod wuxuuna sheegay in aysan jirin cid diidady iyo cid ka aamusatay sdiaana waxaa loo gu dhawaaqay in duq degmada Boosaaso uu noqday Xasan Cabdlle Xasan

Ku xigeenka duqa degmada bosasana waxaa ku guulaysataya Siciid Maxamad C/diraxman oo helay dhamaan codadkii xildhibaanada manajirin cid la tar tamaysay.

Kadib waxaa halkaasi lagu dhaariyay Labada Masuul waa gudoomiyaha golaha deegaanka boosaaso iyo kuxigeenkiisa

Waxaa madasha goob joog ahaa sii hayihii xilka degmada Boosaaso Maxamauud Faarax Beeldaaje wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay masuuliyiinta maanta loo magacaabay degmada Boosaaso wuxuuna sheegay in sida ugu dhakh siyaha badan uu ugu wareejinayo xilka.

Sidoo kale gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Maxamad Galan ayaa isna wax lagu farxo ku tilamaamay doorashadii maanata wuxuuna u hambalyeeyay gudoomiyha cusub iyo ku xigeenkiisa wuxuuna sheegay in ay lashaqeyn doonaan .

Wasiirka amniga Puntland Khaliif ciise Mudan ayaa sidoo kale shaagey in doorashada maant dhacaday ay tahay mid aan horay u dhicin wuxuuna ugu baaqay xildhibaanada golaha deegaana Boosaaso in ay wax kaqabtaan amaanka magaalada Boosaaso.

Ugu danbeyntii waxaa munaasabadaasi soo xiraya wasirka wasaaeada arimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee Puntland C/dullahi jaamac ilka jiir oo ugu baaqay masuliyiintii maanata ladooratay in ay sogayso wax kaqabshada amaanka yo bilicda magaalada Boosaaso

 
Xildhibaanada Golaha Deegaanka

Xildhibaanada Dumarka ah ee kujira golaha

Xildhibaano ka mid ah golaha Baarlamanka puntland oo Goobta fadhiyay

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso