Gudoomiyaha gobolka Bari C.samad Maxamed Galan ayaa u magacaabay gudi u xilsaaran qaban qaabada Aaska alaha u naxariistee halgamaa Maxamed Saalax Deer Ladane.

Waxaana ay u qorneyd warqabada magacaabista gudigan sidan.

Ku : Gudoomiyaha Aaska qaran ee loo sameynayo Marxuum Maxamed Saalax Deer Ladane.
Ku : Dhamaan Saxaafada Madaxa Banaan.
Og: Wasaarada Amniga Puntland  Boosaaso
Og: Taliyaha Ciidanka nabadgeliyada ee Heer gobol iyo Heer dhexe.
Ujeedo: Magaxaabis gudiga qaban qaabada aadka qaran ee loo sameynayo halgame Marxuum Maxamed Saalax Deer Ladane.

Sida aad la socotaan waxaa saaka barqadii ku geeriyooday magaalada Boosaaso Mid ka mid ah ragii fara ku tiriska ahaa ee weli ku sii noolaa Halyeeyadii u so halgamay xornimadeena kaas oo ah Marxuum Xaaji Maxamed Xasan Deer Ladane Naxariistii Janno alleha ka waraabiyo.

Hadaba waxaan magacaabay gudi qanqaabiya Aaska qaran ee loo sameynayo Halgame Ladane Saalax deer oo kala ah.

1: Liibaan Yuusuf Maxamed  gudoomiyaha Guddiga ahna gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga DPL.
2: Dr Muuse Geele Yuusuf wasiir ku xigeenka Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda (Xubin)
3: Dr Yaasiin Faarax Cartan (Xubin)
4: Sheeq liibaan Axmed Maxamuud (Liibaan Mashruuc)  (Xubin)
5: Maxamuud Cabdalle Waaberi (Xubin)

Waxaa lagu sheegay Warqadan magacaabista gudiga ah in aaska qaran ee Marxuumku dhici doono Maalinta Berito ah haduu alle idmo uuna ka dhacayo gudaha Magaalada Boosaaso  .

Waxaa ku sixiixan Gudoomiyaha Gobolka Bari
C/samad Maxamed Galan