Degmada Guriceel ee gobolkaasi Galgaduud waxaa maanta lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha DKMG ah ee Gobolka Galgaduud Axmed Yuusuf Xasan Ciyow, waxaana siweyn u soo dhaweeyay dad aad u farabadan oo isugu jira waxgaradka, dhalinyarada, ururada Bulshada iyo maamulka gobolka.
Gudoomiyaha ugu magacaaban dowlada KMG ah gobolka Galgaduud ayaa ka soo laabtay safar uu magaalada Muqdisho caasimada dalka ugu maqnaa asbuucyadii ugu dambeeyay, waxaana markii uu ka soo degay garoonka kelmado kooban oo uu siiyay saxaafada ku sheegay in Guriceel uu ku sugnaan doono kulamana la qaadan doono qeybaha kala gedisan ee ururada, odayaasha iyo maamulka Ahlusuna ee gobolka.
Torobaad ka hor ayay aheyd markii uu ka duulay gudoomiyaha isla Degmada Guriceel isagoona u kici timay magaalada Muqdisho xarunta dalka halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda DKMG ah kaas oo lagu wado in uu bulshada uga warbixindoono waxyaabihii ka soo baxay.
SBC International Galgaduud
Daalacatey :433